Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: caynaano
fax2  Dhidid, nabro iwm si lama filaan ah hal mar ay soo wada bixid. faxal1  (bot.) Rimaygacmeed lagu sameeyo geedaha aan labaabshaha ahayn sida timirta iyadoo la goynaayo khaylka lab oo marka la qallajiyo lala dhaco khaylka dheddig oo geedkiisii ku yaal. faxal2  (baay.) 1. Xubuub cufan oo ka kooban gaamaytyada lab ee iniinta geedka, kuwaas oo ka baxa iyaga oo farabadan kiishfaxalka. 2. Labada laab ee sare ee faxal-sidaha geedka kuwaas oo had iyo jeer midabkoodu yahay hurdi, laab waliba waxa uu ka koobanyahay laba kiishfaxal oo ay ku dhex jiraan boodh faxal badani, kuwaas oo soo baxa marka faxalku qarxo. faxal3  (bot.)Faxal sameyn. faxalside  (baay.) Mid ka mid ah qaybaha taranka ee lab ee ubaxa. Waxay ka koobantahay qayb sare oo bacrinsami karta (faxal) oo ku dul taalla liif dheer oo ma dhaleys ah.
faxan  Wax deeq badan ahaansho.
faxane  Deeq badane (Ilaah).
faxdi  1. Deeq. 2. Qof deeqsi ah.
faxid  eeg fax². ld faxis.
faxis  ld faxid.
faxlid1  eeg faxal³. faxlid2  (bot.) Dariiqadda uu faxalku ku tago sibiisha fur ubo-ubax. faxlid tallow  Gudbinta faxalka ee laga soo qaado faxalsidaha geed loona gudbiyo fur ubo-ubaxda geed kale.
faxnaan  eeg faxan. ld faxnaansho.
faxnaansho  ld faxnaan.
faxshar1  ld facshar¹. faxshar2  ld facshar². faxsharid  ld facsharid.
faxsharmid  ld facsharmid.
fay1  1. Kabihii waayadii hore haweenku qaadan jireen afkooda hore oo godan caaraddiisa. 2. Caarad; gees. fay2  Xaalad caafimaadqab ku sugnaansho; ladnaansho. fayaabi  ld fayoobaan.
fayad  ld fayo.
fayadaysan  Wax fay qaba ahaansho (xoolo ama dad).
fayadaysnaan  eeg fayadaysan. ld fayadaysnaansho.
fayadaysnaansho  ld fayadaysnaan.
fayadhawr  (daaw.) Qayb ka mid ah cilmiga dhakhtarnimo oo lagu barto ka hortagga cudurrada. ld fayodhow.
fayaqab1  1. Xaalad jirro la'aaneed oo lagu suganyahay. 2. ld fayaqabid. fayaqab2  Xaalad caafimaadqab ku sugnaan. fayaqabid  eeg fayaqab². ld fayaqab¹ (2).
page : 39 of 73
<< < 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 > >>

 

Exit mobile version