Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: salladan
dhaqangeli Sharci, barnaamij iwm hirgelin.
dhaqangelid eeg dhaqangal². ld dhaqangal¹ (2).
dhaqangelin eeg dhaqangeli. ld dhaqangelis.
dhaqangelis ld dhaqangelin.
dhaqanguur (1) 1. Dhaqan, dhaqan kale oo ka xoog badan dumiyey. 2. ld dhaqanguurid.
dhaqanguur (2) Dhaqan bulsho mid kale oo ka xoog badan ku beddelmid.
dhaqanguuri Bulsho, dhaqanguur ku ridid.
dhaqanguurid eeg dhaqanguur². ld dhaqanguur¹ (2), dhaqanguuris².
dhaqanguurin eeg dhaqanguuri. ld dhaqanguuris¹.
dhaqanguuris (1) ld dhaqanguurin.
dhaqanguuris (2) ld dhaqanguurid.
dhaqanhabaabi Cid dhaqanhabow ku ridid.
dhaqanhabaabid eeg dhaqanhabow². ld dhaqanhabow¹ (2).
dhaqanhabaabin eeg dhaqanhabaabi.
dhaqanhabaabis Dh. ah: qof bulsho ku beera dhaqanhabaabay.
dhaqanhabow (1) 1. Dhaqan aan xog-ogaan loo ahayn oo bulsho dhaqankeedii hore beddela. 2. ld dhaqanhabaabid.
dhaqanhabow (2) Dhaqan aan xog-ogaal loo ahayn cid ku beermid.
dhaqanhabowsan Qof dhaqanhabaabay ahaansho.
dhaqanhabowsanaan eeg dhaqanhabowsan. ld dhaqanhabow- sanaansho.
dhaqanhbowsanaansho ld dhaqanhabowsanaan.
dhaqanwanaag Asluubta fiican; dabeecad wanaagsan.
dhaqanwareeg (1) Dhaqanguur. ld dhaqanwareegid.
dhaqanwareeg (2) Dhaqan bulsho mid kale oo ka xoog badan ku beddelmid.
dhaqanwareegid eeg dhaqanwareeg². ld dhaqanwareeg¹.
dhaqanwareeji Cid dhaqanguur ku ridid.
dhaqanwareejin eeg dhaqanwareeji.
dhaqanwareer (1) Dhaqanhabow.
dhaqanwareer (2) Dhaqan aan xog-ogaal loo ahayn cid ku beermid.
dhaqanwareeri Bulsho dhaqanhabow ku beerid.
dhaqanwareerid eeg dhaqanwareer². ld dhaqanwareeris².
<< < 378 379 380 381 382 383 384 385 386 387 388 > >>

 

Exit mobile version