daltabyeysnaan eeg daltabyeysan. ld daltabyeysnaansho.
daltabyeysnaansho ld daltabyeysnaan.
daltabyo Qaban waayidda ay nafley qaban weydo dal ku cusub oo aaney horay u joogi jirin.
daltabyoo Daltabyo dareemid (nafley).
daltabyood eeg daltabyoo.
dalwi Ceel wadaan u ridid (qof).
dalwin eeg dalwi.
dalxiis1 1. Tegidda meel la tago iyadoo looga danleeyahay raaxeysi iyo daawasho. 2. D. ah: qof meel tamashle iyo raaxeysi u jooga. dalxiis2 Meel tamashle iyo raaxeysi ku tegid. dalxiise Qof meel tamashle iyo raaxeysi ku jooga.
dalxiisid eeg dalxiis².
dalxiisnimo Dalxiis ahaansho (qof).
dalyaqaan D. ah: qof dal dabeecaddiisa, degaankiisa iwm aqoon u leh.
dam 1. D. dheh: hadal tilmaama wax dhaca ama wax basa. 2. D. ka sii: wax burburin; wax seexin.
damaaci D. ah: qof damac badan.
damaan Fallaar weyn waranka u eg oo aan dhega lahayn. ld dabaan.
damaashaad1 Ciyaaro iyo waxyaallo kale oo farax leh oo lagu muujiyo maalin taariikh weyn leh. damaashaad2 Maalin taariikh weyn leh ciyaaro iyo waxyaallo kale oo farax leh ku muujin. damaashaadid eeg damaashaad².
damac1 1. Hunguri weynaan dheeraad ah oo wax loo yeesho. 2. Rabitaan. 3. ld damcid. damac2 1. Hunguri weynaan dheeraad ah wax u yeelasho (cid). 2. Wax rabid (cid). Tus. “Waxaan damcay in aan Diinsoor aado.” damacsan Wax, wax gaar ah damac u hayo ahaansho.
damacsanaan eeg damacsan. ld damacsanaansho.
damacsanaansho ld damacsanaan.
damal 1. Qurac weyn oo har badan. 2. Qori weyn qallalan oo la shito; dhamal. 3. Caws dumaa ah.
damaq ld danaq.
dambaab1 ld dembaab¹. dambaab2 ld dembaab². dambaabas1 Sheelidda wax xogtooda la ogyahay la qariyo. dambaabas2 Wax xogtooda la ogyahay qarin.
page : 40 of 218
<< < 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 > >>