harraad2 Biyo u baahasho. harraadan 1. Wax harraad hayo ahaansho. 2. U h.: Wax, wax aad u jecel ahaansho. ld harraadsan.
harraadbeel1 Cabidda la cabo wax oonka bi'iya. harraadbeel2 Wax harraad ku ba'ayo cabbid. harraadbeelid eeg harraadbeel².
harraadi Nafley harraad badid.
harraadid eeg harraad².
harraadin eeg harraadi.
harraadnaan eeg harraadan. ld harraadnaansho, harraadsanaan, harraadsanaansho.
harraadnaansho ld harraadnaan.
harraadsan ld harraadan.
harraadsanaan ld harraadnaan.
harraadsanaansho ld harraadnaan.
harraadtir Nafley wax harraad ka bi'iya siin.
harraadtirid eeg harraadtir.
harraan Cayayaan lix lugoodle ah, dalalka kulul ku nool, oo dib sun xambaarsan oo uu wax ku qaniino leh. ld hanraar, harraar.
harraar ld harraan.
harraati1 ld haraati¹. harraati2 ld haraati². harraatin ld haraatiyid.
harraatir Wax yar oo harraadka bi'iya.
harraatiyid ld haraatiyid.
harrar1 Gogol caws ka samaysan oo lagu seexdo ama guriga lagu dedo. ld harar¹. harrar2 1. Derin guryaha lagu dedo. 2. Dun dermooyinka lagu qurxiyo. ld harar². harray Orgi markaas hooyadii goysay.
harreed ld hareed.
harreemi Cid baahan hanti yar ku taakulayn.
harreemin eeg harreemi. ld harreemis.
harreemis ld harreemin.
harsad ld harsasho.
page : 40 of 93
<< < 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 > >>