lows (bot.) Geed-nagaar leh xididdo miro la cuno dhala saliidna laga sameeyo.
loxod ld luxud.
loxos 1. Meel cusub oo markaas la degey. 2. L. ah: dad iyo xoolo degaan cusub degey.
lubbi Qalbi; kal; laab.
lud Hilib jiir iyo baruur isugu jira oo aan laf lahayn.
luf1 Cad yar oo wax dhammaaday ka soo haray. luf2 Wax yar uruurin. lufan Xarig iwm oo duugnimo awgeed la dhammaaday oo googo'ay.
lufid eeg luf².
lufluf1 Cunto hambo ah oo laysu soo uruuriyey. lufluf2 Cunto yar oo hambo ah uruurin. luflufid eeg lufluf².
luflufo Hambo uruursasho.
lug 1. Bilawga bowdada ilaa cagta ama qoobka. 2. Jeex weyn oo laag ku dara dhirna leh. 3. Socod aan gaadiid la fuushanayn.
lugabaxsasho eeg lugabaxso. ld lugabaxsi.
lugabaxsi ld lugabaxsasho.
lugabaxso Socod curuqtirasho ah meel dhow ku tegid. ld majabaxso.
lugadduw Isku l.: wax kala daadsan isu uruurin.
lugadduwid eeg lugadduw.
lugayn eeg lugee. ld lugays.
lugays ld lugayn.
lugbax Kala l.: wax iska reebid.
lugbixid eeg lugbax.
lugcad Libaax-badeedka jaad ka mid ah.
lugdambeedi Cid lala socday wax yar ka harid.
lugdambeedin eeg lugdambeedi. ld lugdambeedis.
lugdambeedis ld lugdambeedin.
lugdheer Garabqodo.
lugduub1 1. Fuulidda faras si deg deg ah loo fuulo. 2. Si habaysan oo lugaha loo rogrogo marka ciyaar la tumayo. ld lugduubid. lugduub2 1. Faras si degdeg ah u fuulid. 2. Ciyaar si habaysan lugaha u rogrogid.
page : 40 of 46
<< < 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 > >>