alma-almee Alma-almay ciyaarid.
almaas Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah. ld dheeman.
almadar Arday waxbarashada dugsiga hoose ku jirta.
almi Kuul, silis iwm qoor ku xirid (qof).
almin eeg almi.
aloog 1. Rabsho, dagaal iwm abuurid. 2. Wax kor u qadiid, taagid.
aloogan1 Wax la aloogay noqosho (rabsho, dagaal iwm). aloogan2 Wax la aloogay ahaansho (rabsho, dagaal iwm). aloogid eeg aloog.
aloogmid eeg aloogan¹.
aloognaan eeg aloogan². ld aloognaansho.
aloognaansho ld aloognaan.
aloogsasho eeg aloogso.
aloogso Si didmo iyo degganaan la'aan leh u kicid (nafley).
alool Nooc dadabta aqalka ka mid ah oo laga sameeyo ulaha geed-duurka oo lagu seexdo ama guryaha lagu ilxiro.
aloos Rabsho, dagaal iwm abuurid.
aloosan1 Wax la aloosay noqosho (rabsho, dagaal iwm). aloosan2 Wax la aloosay ahaansho (rabsho, dagaal iwm). aloosid eeg aloos.
aloosmid eeg aloosan¹.
aloosnaan eeg aloosan². ld aloosnaansho.
aloosnaansho ld aloosnaan.
alotarobi (kiim.) Qaababka kala duwan ee curiye yeelan karo; kuwaas oo ku kala geddisan astaamaha duleed; inkasto ay sameeyaan iskudhisyo kiimikaad oo isku mid ah. Tusaale ahaan, salfartu waxay leedahay dhawr jinsi oo qaab ahaan kala duwan.
alwaax Qoryo xalleefsan oo si gaar ah loo qoro oo laga sameeyo qalabka guryaha sida, sariiraha, kuraasta, albaabyada, miisaska iwm.
alwasho eeg alwo.
alwo Kuleyl badan dareemid (qof).
alxaman1 Wax alxan ku kaabmay noqosho. ld alxanan¹. alxaman2 Wax la alxamay ahaansho. ld alxanan². alxamdulillaysad ld alxamdulillaysasho.
alxamdulillaysasho eeg alxamdulillayso. ld alxamdulillaysad, alxamdulillaysi.
page : 41 of 75
<< < 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 > >>