Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dhabataysi
barijugle Dhicidda qof barida si xoog leh dhulka ugu dhufto. ld barijugleyn.
barijuglee Barida si xoog leh dhulka ugu dhufasho.
barijugley Nooc cayayaanka lix lugoodlaha ah ka mid ah oo leh madax ay ku dahaarantahay qolof adag oo kurtumo leh iyo qaar danbe oo buuran oo jilicsan; dhiidhiiyo, xaabley, xabgaal.
barijugleyn eeg barijuglee. ld barijugle.
barimarsi Dhulka ku xiga deked badeedda, kaasoo wixi dibadda loo dhoofinayo oo dekeddaas maraya ay ka yimaadaan, wixii dibadda looga soo dhoofiyana ay dekeddaas u soo maraan.
baris ld barid.
baritaar (1) Xoogga lagu taakuleeyo, qof meel sare oo aan sallaan lahayn fuulaya.
baritaar (2) Qof si uu u fuulo meel sare aan sallaan lahayn xoog taakuleeya siin.
baritan ld barid.
bariweyne Bayd faal, oo manjaha, iyo tan ka sarraysa min laba ka ah, madaxa iyo tan ka hoosaysana min hal.
barixume ld baraxume.
barjaho Afarta jaho oo asaasiga ah middood.
barjayn eeg barjee.
barje Jabto.
barjee 1. (f.g) Galmoo. 2. (f.mg) Meel goglan oo barkimooyin lagu tiirsado leh jaad ku cunid.
barjimasho eeg barjimo.
barjimo Ari subax xero ku daahid.
barjo 1. Madaxa hore oo kuusan ee xubinta taranka ragga; dhalfo; fanjar. 2. Qayilaad meel fadhi fiican oo lagu raaxeysto leh lagu qayilo.
barjooqo Caanaha neef guraya ibihiisa ku hara.
barkad (1) ld barkasho.
barkad (2) ld bardad¹.
barkad (3) ld bardad².
barkadhac (1) Muruq dadka luqunta ka gala marka barkinta si xun u barkadaan. ld barkindhac¹.
barkadhac (2) Barkin si xun ugu seexasho. ld barkindhac².
barkadhicid eeg barkadhac². ld barkindhicid.
barkadid ld bardadid.
barkadley ld kabarray.
barkadsan ld bardadsan.
barkadsanaan ld bardadsanaan.
barkadsanaansho ld bardadsanaan.
<< < 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 > >>

 

Exit mobile version