dhibdhibcid eeg dhibdhibic.
dhibdhibic Gobo'layn; tifqid. ld dhibdhibac.
dhibee Xoolo dhib ku daweyn.
dhibeyn eeg dhibee.
dhibeysan Xoolo la dhibeeyay ahaansho.
dhibeysnaan eeg dhibeysan. ld dhibeysnaansho.
dhibeysnaansho ld dhibeysnaan.
dhibi Madowga maraqsaarka awrta qooqan ka muuqda kana samaysma kaadi uu isku sayray. ld dhebi².
dhibib (1) ld dhibiib¹.
dhibib (2) (daaw.) Xaalad daran oo si kedis ah qof ugu dhacda, sida badanna saameysa dhinac dhan oo jirka ka mid ah, waxaana keena dhiigga oo ka kala go'a qayb ka mid ah maskaxda.
dhibib (3) ld dhibiib².
dhibibid ld dhibiibid.
dhibibtir (1) ld dhibiibtir¹.
dhibibtir (2) ld dhibiibtir².
dhibibtiran ld dhibiibtiran.
dhibibtirnaan ld dhibiibtirnaan.
dhibibtirnaansho ld dhibiibtirnaan.
dhibic (1) 1. In yar oo hoore qaab kankoonsan leh oo meel ka soo go'a. 2. Tirada tartan, imtixaan, ciyaar iwm laga keeno. Tus. “Cali imtixaanka wuxuu keenay konton dhibcood”. 3. Roob xoog leh. 4. Joogsi.
dhibic (2) In yar oo hoore ah, qaab kankoonsan leh meel ka soo tifqid.
dhibid eeg dhib³.
dhibidhisad ld dhibidhisasho.
dhibidhisasho eeg dhibidhiso. ld dhebidhisad, dhebidhisasho, dhebilisad, dhebilisas.
dhibidhiso Dhibi isku sayrin (rati qooqan ama dagaal maaggan). ld dhebidhiso, dhebiliso, dhibiliso.
dhibiib (1) 1. Suuxdinta ku timaadda qof dhiig badani ka baxay, dhiigbax. 2. ld dhibiibid. ld dhibib¹.
dhibiib (2) Qof dhiig badani ka baxay suuxid. ld dhibib³.
dhibiibid eeg dhibiib². ld dhibibid, dhibiib¹ (2).
dhibiibtir (1) 1. Nafaqo la siiyo qof dhiig badani ka soo baxay. 2. ld dhibiibtirid. ld dhibibtir¹.
dhibiibtir (2) Qof dhibiibay nafaqo siin. ld dhibibtir².
dhibiibtiran Wax la dhibiibtiray ahaansho. ld dhibibtiran.
dhibiibtirid eeg dhibiibtir². ld dhibibtirid, dhibiibtir¹ (2).
<< < 405 406 407 408 409 410 411 412 413 414 415 > >>