hashuur (juqr.) Xarriiqyo harayn oo gaagaaban oo khariidadda lagu dul sawiro si loo muujiyo farqiga u dhexeeya tiirada dhulka. Haddii tiiradu ay taagantahay xarriiqyadu waa dhumuc weynyihiin waana isku dhawyihiin; haddiise tiiradu ay sahlantahay, xarriiqyadu waa dhuudhuubanyihiin waana kala durugsanyihiin.
hasid eeg has².
hataaqayn ld hantaaqayn.
hataaqee ld hantaaqee.
hataaqo ld hantaaqo.
hataaqoo ld hantaaqoo.
hataaqood ld hantaaqood.
hataq ld hantaq.
hataticid ld hantaaticid.
haw (1) Cod lagu muujiyo hororidda ama haliilidda.
haw (2) Cod lagu muujiyo dabeysha foorinteed.
hawaan Wax la is yeelsiiyo; xoog; dirqi; sandulle, khasab.
hawaar (1) 1. Si bahardaad ah oo geelu u fariisto. 2. ld hawaarid.
hawaar (2) Jiitin weyn oo geela dheegga looga sunto.
hawaar (3) Si barraaq ah u fariisasho (neef geel ah).
hawaaran 1. Neef geel ah wax hawaar leh ahaansho. 2. ld hawaarsan.
hawaari Neef geel ah hawaar u yeelid.
hawaarid eeg hawaar³. ld hawaar¹ (2).
hawaarin eeg hawaari.
hawaarnaan eeg hawaaran. ld hawaarsanaan. ld hawaarnaansho.
hawaarnaansho ld hawaarnaan.
hawaarsan Wax barraaq u fadhiya ahaansho. ld hawaaran.
hawaarsanaan eeg hawaarsan. ld hawaarnaan, hawaarnaansho, hawaarsanaansho.
hawaarsanaansho ld hawaarsanaan.
hawaawi (1) 1. Haynta niyadda lagu hayo wax helitaankooda. 2. ld hawaawiyid.
hawaawi (2) Wax si aad ah ugu fekerid.
hawaawir (1) Cod weyn oo xabbado la ridayo bixiyaan.
hawaawir (2) 1. Si aan sugnayn u muuqasho (wax). 2. Caloolyow dareemid. 3. Ur xun urid (wax).
hawaawiri Hal riman candha keenid.
hawaawirid (1) Rididda xabbado aan dan laga lahayn la rido.
<< < 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 > >>