Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: shaashsaar
dhibiibtirnaan eeg dhibiibtiran. ld dhibibtirnaan, dhibibtirnaannsho, dhi- biibtirnaansho.
dhibiibtirnaansho ld dhibiibtirnaan.
dhibiijo ld dhamiijo.
dhibiin Biyo mareen yar oo ka dillaaca togagga.
dhibilisad ld dhibidhisasho.
dhibilisasho ld dhibidhisasho.
dhibiliso ld dhibidhiso.
dhibiq ld dhibic¹.
dhibiqdhibiq Fal aan laga fiirsan. ld dhubuqdhubuq.
dhibley Haweeney dadka dhibta.
dhiblow Nin dadka dhiba.
dhibniin Dhibaato badan.
dhibsad ld dhibsasho.
dhibsasho eeg dhibso. ld dhibsad.
dhibso Wax dhib u qaadasho.
dhibtoo Dhib la kulmid (qof).
dhibtood eeg dhibtoo.
dhicdhicid ld dhacdhicid.
dhici 1. (f.g) Wax la dhacay badbaadin. 2. (f.g) Ilmo dhicis ah dhalid. 3. (f.mg) Ka dh.: cid wax ka daaficid.
dhicid (1) eeg dhac². ld dhicis², dhicitaan.
dhicid (2) Xero-ka-bixidda uu neef geel ahi xerada ka baxo.
dhicin (1) eeg dhici. ld dhicis¹ (2).
dhicin (2) (daaw.) Ka soo dhicid ama ka soo saariid minka ilmo aan sadkooda dhammeysan, (dadka) muddada u dhexeysa bacriminta iyo 24ka asbuuc ee hore.
dhicis (1) 1. Ilmo dhashay iyagoon bilahoodii dhammaysan. 2. ld dhicin¹.
dhicis (2) ld dhicid¹.
dhicisnimo Dhicis ahaansho.
dhicisoobid eeg dhicisow.
dhicisow 1. Dhicis noqosho. 2. Wax fashilmid.
dhicitaan ld dhicid.
dhidar 1. Weer. 2. Jaad libaax badeedka ka mid ah. ld dhider.
<< < 406 407 408 409 410 411 412 413 414 415 416 > >>

 

Exit mobile version