Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: mataxan
dameer (1) Labka gammaan la rarto, ka yar faraska, leh dhegodhaadheer, guud gaaban iyo midab bey ah. ld dabeer¹, dammeer¹.
dameer (2) Dheddigga gammaan la rarto, ka yar faraska, leh dhego dhaadheer, guud gaaban iyo midab bey ah. ld dabeer², dammeer².
dameerabilayn ld dameeradhaglayn.
dameerabilee ld dameeradhaglee.
dameeradhaglayn eeg dameeradhaglee. ld dameerabilayn.
dameeradhaglee Qof wax uu niyadda ka jecel yahay is diidsiin. ld dameerabilee.
dameeradhuuji Qof dameeradhuujo ku qabasho.
dameeradhuujin eeg dameeradhuuji.
dameeradhuujo Tab legdenka ka mid ah oo qof qof kale labada lugood dhexda kaga maro si uu xanuujiyo oo neeftu ugu celiyo.
dameerajoogeen 1. Urur xiddiga ah. 2. ld dameerjoog.
dameerdibadeed 1. Farow. 2. Dameer duur joog ah oo aan dadku munaafacaadsan.
dameerfarow Dameer weyn, banjoog ah oo leh midab diillimo caddaan iyo madow ah. ld farow.
dameerhogo Howtulhamag.
dameerjoog 1. Meel biyaha roobku fariistaan. 2. dameerajoogeen.
dameero ld dameerow.
dameerow Cudurrada carrabka ku dhaca mid ka mid ah. ld dameero.
dami 1. Dab, nal iwm bakhtin. 2. Dhibaato xasilin. ld demi.
damid eeg dan. ld demid.
damiin Qof siiba arday oo fahmadiisu yartahay. ld dammiin.
damiin (1) ld dammiin¹.
damiin (2) ld dammiin².
damiinad (1) ld dammiinasho.
damiinad (2) ld dammiinad².
damiinid ld dammiinid.
damiinnimo ld dammiinnimo.
damiinnimo (1) Damiin ahaansho (qof). ld dammiinnimo.
damiino ld dammiino.
damiir Wax la xiriira garaadka aadanaha oo fara wanaagga xumahana ka reeba.
damin eeg dami. ld damis, demin, demis.
damis ld damin.
<< < 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 > >>

 

Exit mobile version