Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qawle
dhool (1) Foodda sare, oo cad ee daruur da'aysa.
dhool (2) 1. Ilkaha foolasha iyo miciyaha u dhexeeya midkooda. 2. Masaar yar oo geedaha yaryar lagu gooyo.
dhoolaal (1) Dh. ah: orgi ama dibi doolaalo tagay.
dhoolaal (2) Doolaalada orgiga ama dibigu sameeyaan.
dhoolaal (3) Orgi ama dibi doolaalo tegid.
dhoolaalid eeg dhoolaal³.
dhoolbir (1) 1. Qosol yar oo ilka caddays ah; dhoolla caddeys. 2. ld dhoolbirid.
dhoolbir (2) Qosol yar ilkuhu muuqdaan qoslid; muusood; muusadbid.
dhoolbirid eeg dhoolbir². ld dhoolbir¹ (2).
dhoolbishiicis Dhoolla caddayn.
dhooldillaac (1) 1. Qosol yar oo ilka caddays ah; dhoolla caddeys. 2. ld dhooldillaacid.
dhooldillaac (2) Qosol ilka caddeyn ah qoslid.
dhooldillaacid eeg dhooldillaac². ld dhooldillaac¹ (2).
dhoolgaad Masaar yar oo lagu dagaalamo.
dhooli 1. Sariir yar oo dadka buka ama dhaawaca ah lagu qaado; wasaasin. 2. Baabuur qafilan oo dad jirran ama dhaawaca ah lagu qaado.
dhoolkaqosol Ilka caddayn; muusood.
dhoollatus (1) 1. Isu miciyalisashada awrta qooqan. 2. Xoogga cidi leedahay oo la soo bandhigo si cadowga loogu niyad jebiyo. 3. Fulabbajis; bowdaqaawis. 4. ld dhoollatusid.
dhoollatus (2) 1. Awrta qooqan isu miciyallisasho. 2. Xoogga qolo leedahay muujin, si cadowgu u arko oo u tixgeliyo. 3. Fulabbajin. ld dhoollatuso.
dhoollatusad ld dhoollatusid.
dhoollatusasho ld dhoollatusid.
dhoollatusid eeg dhoollatus². ld dhoollatus¹ (4), dhoollatusad, dhoolla-tusasho.
dhoollatuso ld dhoollatus².
dhoombir (1) Nooc ka mid ah buntuqyo.
dhoombir (2) Geed gaab leh caleemo dhuudhuuban oo faalala iyo bari la cuno.
dhoon 1. Haan biyood weyn. 2. Xabag weyn.
dhoondhurwaa Adaahi.
dhoonhoraad Haan biyood weyn oo fanhoraadka awrka la saaro.
dhooqayn eeg dhooqee.
dhooqaysan Wax la dhooqeeyey ahaansho.
dhooqaysnaan eeg dhooqaysan. ld dhooqaysnaansho.
<< < 424 425 426 427 428 429 430 431 432 433 434 > >>

 

Exit mobile version