carrabmacaanaansho ld carrabmacaanaan.
carrabmaris Su'aasha la weyddiiyo herinta inuu jiro cid dembi gashay, marka dhawr goor la soo hungoobo.
carracad Dhul midabka ciiddiisu caddaan u dhawdahay.
carrafo ld arrafo.
carraggeddi (1) ld carraggeddiyid.
carraggeddi (2) Beer, ciiddeeda burburin kaddibna jilcin.
carraggeddin ld carraggediyid.
carraggeddis Burburinta iyo jilcinta ciidda beerta lagu sameeyo. ld carraggeddiyid.
carraggeddiyid eeg carraggeddi². ld carraggeddi¹, carraggedin, carraggeddis.
carraggoo 1. (f.g) Socdaal ugu horrayn. 2. (f.mg) Beer dooxyo u yeelid.
carraggoyn eeg carraggoo. ld carrggoys (3).
carraggoys 1. C. ah: roob xoog badan oo dhulka bohola ka jeexa. 2. Xaro cusub aan degel hore ahayn. 3. ld carraggoyn.
carragguur (1) Ka tegidda carrada nafaqada leh ka tagto dhul, daad, dabayl iwm awgeed. ld carroguur.
carragguur (2) Dabayl, daad iwm awgeed dhul carrada nafaqada leh ka tegid.
carragguurid eeg carragguur².
carraguduud Dhul midabka ciiddiisu cas tahay.
carramadow Dhul midabka ciiddiisu madow u dhowdahay oo beerashada ku wanaagsan. ld carromadow.
carran axmaq, doqon, dhaandhaan, nacas, cascaas, dabbaal.
carranafaqayn Bacriminta dhul digo, daawo iwm lagu bacrimiyo si wax loogu beero.
carranafaqeeye Digo, dawo iwm oo dhulka lagu bacrimiyo.
carrarroog (1) ld carrarroogid.
carrarroog (2) Beer, ciiddeeda burburin kaddibna jilcin.
carrarroogid eeg carrarroog². ld carrarroog¹.
carrasan Dhul saac iyo nur leh oo aan qaniin lahayn.
carraseel ld carroseel.
carrawtiin ld carraabo.
carrayn eeg carree.
carree 1. Wax ciid ku shubid. 2. Geel cusbo siin.
carri ld carro (2).
carris Dhul geednagaar leh oo u dhexeeya buur iyo bannaan.
<< < 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 > >>