fidro (dii.) Seko dadka laga bixiyo oo ay waajib ku tahay in uu bixiyo qof kasta oo muslin ah oo awooda dhammaadka bisha Ramadaan.
fidsan Wax la kala bixiyey ahaansho.
fidsanaan eeg fidsan. ld fidsa-naansho.
fidsanaansho ld fidsanaan.
fidsasho eeg fidso.
fidso Wax kala baxsasho.
fidyo ld fidde.
fig1 ld fiq. fig2 (jool.) Meesha fiigan ee buurta, ee ka dul taagan dhulka ku wareegsan ama buurta inteeda kale. figee Cid iyadoo caloosha dhulka loo dhigayo garbadduub u xirid.
figeyn eeg figee. ld figeys.
figeys ld figeyn.
figeysan Wax la figeeyey ahaansho.
figeysnaan eeg figeysan. ld figeys-naansho.
figeysnaansho ld figeysnaan.
figle Kor u taaggidda wadaan biyeysan si xoog iyo xeelad leh kor loogu taago.
figlee Figle samayn.
figleyn eeg figlee. ld figleys.
figleys ld figleyn.
fiic F. ah: qof karti iyo hufnaan ku sifoobey.
fiican 1. Wax wanaagsan ahaansho. 2. Ku f.: wax si gaar ah wax ugu wanaagsan ahaansho.
fiicnaan eeg fiican. ld fiicnaansho.
fiicnaansho eeg fiicnow. ld fiicnaan.
fiicnayn eeg fiicnee.
fiicnee Wax wanaagsan ka dhigid.
fiicnow Wax wanaagsan noqosho.
fįid1 Amminta u dhexeysa maqribka illaa cishaha. fiid2 1. Buur, laan iwm meesha ugu sarreysa. 2. Ubax. fiid-dambe Xilliga u dhexeya maqribka illaa cishaha.
fiid-dhacsad ld fiid-dhacsasho.
page : 46 of 73
<< < 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 > >>