Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: afxirasho
diilimayn ld diillimayn.
diilimee ld diillimee.
diilin ld diillin.
diillimayn eeg diillimee. ld diilimayn.
diillimee Meel wax ku dul xarriiqid. ld diilimee.
diillin 1. Xarriiq; jiitin. 2. Roob xoog leh oo dabayl wata. 3. Caws cusub oo ka soo fufay meel gubad ah. ld diilin.
diillincaanood Diillin ballaaran cirka ku dhereran oo ka kooban xiddigo yaryar oo badan.
diilmid eeg diilan¹.
diilnaan eeg diilan². ld diilnaansho.
diilnaansho ld diilnaan.
diilo Wax ciid, neef iwm ka buuxsasho.
diimbiyood Jaad ka mid ah diinka oo yar oo biyaha ku dhex nool. ld diinceelaad.
diimid eeg diin³. ld diimis.
diimis ld diimid.
diimmoon Kad./ud.: cid aan wax ogeyn ahaansho.
diimmoonaan eeg diimmoon. ld diimmoonaansho, diimooni.
diimmoonaansho ld diimmoonaan.
diimmooni ld diimmoonaan.
diin (1) Nooc xamaaratada ka mid ah aad u gaabiya, leh qolof adag oo ku dahaaran afar lugood iyo qoor dheer oo aan dhogor lahayn; diindiin. ld diindiin.
diin (2) 1. Caqiido cid ku xiraysa awood ka sarraysa oo ay aaminsantahay in ay wax yeeli karto, waxna u tari karto. 2. Qawaaniin Eebbe u soo dejiyey dadka dunida ku nool si ay waxa wanaagsan u falaan, waxa xunna uga reebtoomaan. 3. Quraan.
diin (3) 1. Ku d.: qof wax la yaab leh oo aanu hore u arki jirin qaadan waayid. 2. Ku d.: wax araggooda waayid.
diin-fedeysi (fals.) Hab koox bulsheed, ama waxbarasho, oo aaminsan in aanay iintu qeyb ka ciyaari karin mushkiladaha iyo dhacdooyinka nolosha.
diin-fidiye (dii.) Qof kiristaan ah oo loo soo diray waddan shisheeye si uu u baro kirishtaanimada.
diinceelaad ld diimbiyood.
diindarro Si xun ugu dhaqmidda diin si xun loogu dhaqmo.
diindiimid eeg diindiin².
diindiin ld diin¹.
diindiin (1) D. ah: dhar aad u duugoobay oo si sahlan u dildillaaci kara.
diindiin (2) Si sahlan u dildillaacid (dhar aad u duugoobay).
diinla'aan Diinlaawe ahaansho. ld diinli'i.
<< < 447 448 449 450 451 452 453 454 455 456 457 > >>

 

Exit mobile version