Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: waddoohiye
qatimis  ld qatimin.
qatin1  1. Muddada ay xooluhu biyaha ka qadaan. 2. Q.ah: xoolo aan kalkoodi gelin. qatin2  1. Xoolo muddo biyo ka qadid. 2. Ka q.: wax la qaybsanayo wax ka waayid. qatindhaaf1  Xoolo kolkii ay cabbi jireen dhaafay oo aad u oomman. qatindhaaf2  Xoolo kalkii ay ku cabbi jireen dhaafid. qatindhaafid  eeg qatindhaaf².
qatinsan  Xoolo, muddo aan biyo cabbin ahaansho.
qatinsanaan  eeg qatinsan. ld qatinsanaansho.
qatinsanaansho  ld qatinsanaan.
qatooyo  1. Ku sugnaanta nafley muddo ku sugnaato wax cunid la'aan. 2. Wax siin la'aanta qof wax doonaya. 3. ld qadid.
qaw1  Meel cirif ah oo haadaan dheeri ka hooseysa. qaw2  Erey tilmaama dhawaac. qawaacid  Khasaaro weyn; masiibo.
qawaaniin  eeg qaanuun.
qawaar  Neef xoolaad oo aad u da'weyn caatana ah.
qawaarnimo  Qawaar ahaansho.
qawaasimo  Dad badda quusa oo luulka kala soo baxa.
qawad1  1. Saluugidda la saluugo wax la isa siiyo. 2. ld qawid. Cudur aan halis ahayn oo maqaarka dadka ku dhaca oo barobaro cadcad leh; cambaarcad. qawad2  Wax saluugid. qawadid  eeg qawad².
qawadsan  Qof wax saluugay ahaansho.
qawadsanaan  eeg qawadsan. ld qawadsanaansho.
qawadsanaansho  ld qawadsanaan.
qawid  ld qawad¹ (2).
qawjad  Cid cilmi, caqli iyo aftahamo dheeraad ah kulansatay.
qawl1  1. Curdanka baarka geedaha ka soo baxa. 2. Hadal; erey. 3. Q. leh: qof axdi leh. 4. Cabbitaan qof jirran afka loogu shubo; kawl. qawl2  1. (f.g) Cid jeenan siin. 2. (f.mg) Hadal dhihid. 3. (f.mg) Curdan bixin (geed). 4. (f.mg) Si wanaagsan u korid (ubad, geel iwm.). qawlad  ld qol.
qawlal1  Labada dacal ee afka middood oo ku aaddan miciyaha ama gaws-horaadka. qawlal2  Nafley, labadeeda qal dhexdooda bir, xarig, iwm, gelin.
page : 47 of 86
<< < 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 > >>

 

Exit mobile version