carshacarsheyn ld carshaashayn.
carshi 1. Sariirta boqorka. 2. Shay weyn, muqaddas ah Eebbe leeyahay oo samada sare ku sugan. 3. Geed abaareed gaaban oo leh caleemo balballaaran iyo miro macaan oo la cuno kana baxa carroguduudka.
carshin Dhul daaq leh, dhulka xooluhu daaqaan.
cartamid eeg cartan². ld cartan¹.
cartan1 Qaylo iyo wax burburin ay sameeyaan nafleyda qaar marka ay xanaaqaan. ld cartamid. cartan2 1. Ur aad u udgoon wax ka soo urid. 2. ld car 2. Xanaag dartii, qaylo iyo wax burburin samayn. 3. Karkarid. cartir1 ld catir¹. cartir2 ld catir². cartiran ld catiran.
cartirid ld catirid.
cartirnaan ld catirnaan.
cartirnaansho ld catirnaan.
carun 1. Dhiig guduudkiisu yaryahay. 2. Doog yar oo markaa soo baxay.
caruusad ld aroosad.
carwaajiis Midab guduud furan ah.
carwasaad1 ld calwasaad¹ (2). carwasaad2 ld calwasaad³. carwasaadid ld calwasaadid.
carwo Suuq weyn, lagu soo bandhigo waxsoosaarka beeraha, warshadaha iwm oo waqti go'an oo lagu daawado leh.
cas1 1. Kaaha midabka huruudda u eg oo arooryada hore ka muuqda dhanka bari, inta ayan qorraxdu soo bixin. 2. Meel bannaan oo ciid jilicsan leh oo la dego. 3. Midab guduud xigeen ah. 4. Sayn yaroo meel ka hoora. 5. Meel bannaan. cas2 Wax midabkiisu guduud furanyahay ahaansho. casaan1 1.C. ah: midab guduud furan ah. 2. Dermo inteeda midabka iyo naqshadda leh. ld casiin. casaan2 eeg cas². ld casaansho. casaanboor Midab casaan ah oo caddaan iyo madow ku dhafan yahay.
casaansho eeg casow. ld casaan².
casaaro ld cisaaro.
casabaysad ld casabaysasho.
casabaysasho eeg casabayso. ld casabaysad, casabaysi.
casabaysi ld casabaysasho.
casabayso Cid casabo ka dhigasho.
page : 48 of 95
<< < 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 > >>