sha'ni Si; xaal; ged; alab.
shaab 1. Nin dhallin yar oo xoog leh. 2. Sh. ah: dukaan badeeco ka buuxdo oo cammiran.
shaabbad Shay dabo la qabsadana leh oo cijir ama bir ka samaysan oo hadal ama astaamo ku qoranyihiin oo dukumuntiga iyo warqadaha lagu dhufto. ld shabbad, shabbo.
shaabbadayn eeg shaabbadee. ld shaabbadays, shabbadayn, shabbadays, shabbayn.
shaabbadays ld shaabbadayn.
shaabbadaysan Dukumenti iwm wax la shaabbadeeyay ahaansho. ld shabbadaysan, shabbaysan.
shaabbadaysasho eeg shaabbadayso. ld shabbadaysasho, shabbaysasho.
shaabbadaysnaan eeg shaabbaday-san. ld shaabbadaysnaansho, shabba-daysnaan.
shaabbadaysnaansho ld shaabba-daysnaan.
shaabbadayso Wax shaabbad ku dhufsasho. ld shabbadayso, shabbayso.
shaabbadee Warqad ama dukuminti shabbad la dhicid. ld shabbadee, shabbee.
shaabbah (1) U ekaanshaha wax, wax kale u ekaadaan. ld shabbah¹.
shaabbah (2) Wax, wax kale u ekaansho. ld shabbah².
shaabbihid eeg shaabbah². ld shabbihid.
shaabuug Suun dhuuban, dheer, dabo la qabsado leh oo wax lala dhaco; karbaash; jeedal.
shaabuugayn eeg shaabuugee. ld shaabuugays.
shaabuugays ld shaabuugayn.
shaabuugee Wax shaabuug la dhicid.
shaac (1) Sh. ah: wax la wada maqlo ama la wada arko oo caan noqda.
shaac (2) War iwm faafid.
shaacays 1. Qori xabbad keliyaale ah oo waayadii hore lagu dagaallami jiray. 2. Wax si aan caadi ahayn u shaqeeya. 3. ld shaacayn.
shaacbax Soo sh.: wax la wada yaqaan noqosho.
shaacbixi Wax la wada yaqaan ka dhigid.
shaacbixid eeg shaacbax.
shaacbixin eeg shaacbixi.
shaaci War iwm faafin.
shaacid eeg shaac².
shaacin eeg shaaci. ld shaacis.
shaacir Qof maansoole ah; laashin.
shaacirayn eeg shaaciree. ld shaa-cirays, shactirayn.
<< < 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 > >>