duluc (1) 1. Googgaradda haweenka xarigga kor uga jira oo lagu xiro marka la qaadanayo. 2. Googgaradda xaggeeda sare ee xarigga duluca ah la geliyo.
duluc (2) 1. Nuxurka hadalka. 2. Ujeeddada hadalka. Tus. “Dulucda hadalkiisu waa in dagaalka la joojiyo”.
dulucsan Googarad wax duluc la geliyay ahaansho.
dulucsanaan eeg dulucsan. ld dulucsanaansho.
dulucsanaansho ld dulucsanaan.
duluf Derin, jawaan, raar, iwm oo duugoobay. ld duruf (1).
dulufaaq Si dan la'aan ah hore iyo gadaal ugu socosho (qof).
dulufaaqid eeg dulufaaq.
dulugle D. ah: qof cayr ah aan hoy lahayn oo nolol-maalmeedkiisa socod ku raadsada.
duluglee Qof cayr ah, aan hoy lahayn nolol-maalmeedkiisa socod ku raadin.
dulugleyn eeg duluglee. ld dulugleys.
dulugleys ld dulugleyn.
dululaati ld dulalaati.
dululub Meel hoobad ah oo biyuhu ayan ku hakan karin.
dulun (1) ld dulmi¹.
dulun (2) ld dulmi².
dulundulcee Biyo, mas iwm si dulundulco ah u socosho.
dulundulceyn eeg dulundulcee. ld dulundulceys.
dulundulceys ld dulundulceyn.
dulundulceysii Si dulundulco ah u wadid.
dulundulceysiin eeg dulundulceysii.
dulundulco Socod si talantaalli ah dhinac loogu leexdo oo maska, mulaca, abeesada iwm leeyihiin.
dulxawaaree Wax dulmarid; wax korduulid.
dulxawaareyn eeg dulxawaaree.
dulxumo eeg dulxun.
dulxun Wax aan sabir lahayn ahaansho.
dulyar Wax aan dulqaad lahayn ahaansho.
dulyaraan eeg dulyar. ld dulyari, dulyaraansho, dulyaro.
dulyaraansho ld dulyaraan.
dulyari ld dulyaraan.
<< < 477 478 479 480 481 482 483 484 485 486 487 > >>