Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: cirbi
duudduur (2) 1. Maro iwm laalaab u yeelid. 2. Wax runtooda qarin. 3. Hadal si kooban u sheegid.
duudgal ld duudgelid.
duudgaloobid eeg duudgalow². ld duudgalow¹, duurgalow¹, duurgaloobid.
duudgalow (1) ld duurgaloobid.
duudgalow (2) Badow noqosho (qof). ld duurgalow².
duudgelid Duudgaloobidda. ld duudgal.
duudi 1. Weel biyo yar oo salkiisa ku haray ka shubid. 2. Lafo heen ka bixin.
duudin eeg duudi. ld duudis.
duudis ld duudin.
duudlo'aad Geedka gallayda ama meseggadu inta uusan alamada yeelan.
duudsad ld duudsasho.
duudsasho eeg duudso. ld duudsad, duudsi.
duudseef Rati aan kurus lahayn.
duudsi (1) Xaq ama gar qof leeyahay oo la seejiyo.
duudsi (2) ld duudsasho.
duudsi (3) Xaq qof lahaa seejin. ld duudsii.
duudsii ld duudsi³.
duudsiin ld duudsiyid.
duudsiyid eeg duudsi³. ld duudsin.
duudso 1. Ilmo duud ku xambaarasho. 2. Biyo yar oo weel salkiisa ku jira ka shubasho.
duuf (1) 1. Hilib la nacay. 2. ld duufid.
duuf (2) 1. Xaaraan; baqti; wax xun. 2. ld diif. 3. ld duufid.
duuf (3) Ku d.: cid si loola dagaallamo ku boodid.
duuf (4) Ka soo d.: soo farabbaxsasho (dagaal); weyrax.
duufaan Dabayl xoog leh, roob wadata oo waxyeello dhulka gaarsiisa.
duufaan-kulaalay (juqr.) Gobol cadaadis hoose leh, dhulkeedu wuu yar yahay, laakiin waxay leedahay duufaan xoog leh, oo ka soo bilaabma gobollada kullalayda, runtii, waxay la mid tahay godan, laakiin way yartahay aadna way u xoog badantahay.
duufaan-onkodle (fiis.) Duufaan maayado hawo sare oo xooggan leh, oo sameeya daruuro kumuloonimbas ah oo aad u kobocsan, oo leh dhibco aad u waaweyn, oo yeelan kara baraf dhagax ah, kolkaa danab qulqulka sameysmaa bhaliyo hillaacyo, iyo onkod ka dhashay fididda hawada kulka badan e hilaaca darteed.
duufid eeg duuf². ld duuf¹ (2).
duufid (1) eeg duuf². ld duuuf¹ (3).
duuflaal (1) 1. Nin aan wax tashiilan. 2. Nin aan shaqayste ahayn.
<< < 486 487 488 489 490 491 492 493 494 495 496 > >>

 

Exit mobile version