daraaso Baaridda ama u dhabbagelidda wax la rabo in xogtooda la ogaado. ld daraasad, diraaso.
daraawiish 1. Urur wadaaddood (dariiqo) oo shiikh u taliyo, nabaddiyo colaaddaba. 2. Qayb ka mid ah Ciidanka booliiska oo qaabilsan amniga reer guuraaga. 3. eeg darwiish.
darab1 1. Dhaqidda la dhaqo meelaha kaadida iyo saxaradu soo maraan; istanyo. 2. (-yo, m.dh) Cabir dhulka beeraha lagu cabiro (oo afar jibaal ah) oo le'eg 25 mitir. 3. Saxaro. 4. In yar oo biyo ah oo lagu istinjoon karo. 5. Dun, aleel, kuul iwm oo weelka lagu qurxiyo. 6. Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursaday oo hooyadeed la siiyo. darab2 1. Toorrey, billaawe iwm daabkooda meesha ugu sarreysa ee quruxda loogu talagalay. 2. ld darib. darab3 1. Wax diyaarin. 2. Weel aleelayn. darabdhaqasho ld darabqaadasho.
darabdhaqo ld darabqaado.
darabqaadasho eeg darabqaado. ld darabdhaqasho.
darabqaado Saxaro iyo kaadi iska dhiqid. ld darabdhaqo.
daradhig1 1. D. ah: miro meel sare saaran oo la qallajinayo. 2. D. ah: ilmo dhashay oo aan weli afartankii ka bixin. daradhig2 Sariir caws ka samaysan oo aad dhulka ugu dhow. daraf 1. Meesha wax ugu baallaysa. 2. Labada kobood ee casaamka ah ee derinta dacalladeeda lagu tolo middood.
daragad ld dargad.
darajee Qof, si xushmad iyo qaddarin ku jirto ula dhaqmid. ld derejee.
darajeyn eeg darajee. ld derejeyn.
darajo1 1. Heer ama jago shaqo lagu gaaro. 2. Halbeeg saleedka heer kulka ama xaglaha. 3. Xushmo iyo qaddarin. 4. Dhibco imtixaan lagu helo. darajo2 1. (xis.) Summad: (°). Halbeeg lagu cabbiro xaglaha sallaxa ah, taasoo la mid ah 1/360 wareeg dhammaystiran ama 1/90 ka xagal qumman. 2. (xis.) Jibbaarka doorsoome ku jira tibix. Tusaale ahaan tibixda 3y . Tibixda ah 3x y z darajadu waa wadarta jibbaarrada doorsoomayaasha oo ah 6. 3. (xis.) Darajada tibxaale ama isle'eg: waa darajada tibixda leh darajada ugu sarreysa. daran1 Geed yar, jaadad badan oo dhooddida iyo dibirka ka baxa oo dhanaan, geelu ku jeelbaxo leh. daran2 Ku d.: wax, wax kale ku qasan noqosho. ld darsan². daran3 1. Wax karti badan ahaansho (qof). 2. Wax dhibaato badan ahaansho. 3. Ku d.: wax, wax kale ku qasan ahaansho. 4. Ku d.: qof balwad aad u isticmaala ahaansho. 5. U d.: wax cid dhibaateeya ahaansho. ld darsan³. darancad Nooc daranta ka mid ah oo meelaha cusbada badan ka baxda.
darandawaco Nooc daranta ka mid ah oo aayan xooluhu jeclayn.
darandoorri1 1. Nooc ciyaarsiiska ka mid ah oo uu qofka taagani si aan kala go'lahayn cagaha dhulka ula dhaco. 2. D. ah: fal aan si kala go'lahayn u dhaca. 3. dl. darandoorriyid. darandoorri2 1. (f.g) Neef geel ah, laba nin hal mar si dhaqso leh u wada lisid. 2. (f.g) Rasaas iwm si aan kala go'lahayn u ridid. 3. (f.mg) Si isdabajoog ah cagaha dhulka ula dhicid. darandoorrin ld darandoorriyid.
darandoorris ld darandoorriyid.
darandoorriyid eeg darandoorri². ld darandoorri¹ (3), darandoorrin, darandoorris.
darangee Xoolo, meel daran leh daajin.
darangeel Nooc daranta ka mid ah oo dhaadheer.
darangeyn eeg darangee.
page : 51 of 218
<< < 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 > >>