Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: laabsami
kifaax (2) 1. Hawl qabashadeeda ama wax hanashadooda u dagaallamid. 2. Raaxaysasho.
kifaaxid eeg kifaax².
kifaayo In wax ku filan; wax deeqa.
kii (1) kuwii, w Magacuyaal aan cayinnayn oo lab, oo cid ama wax la isla ogaa oo maqan oo aan magaciisa la sheegayn. Tus. “Kanu waa kii beryahanba aan raadinayay”: “Kii baa yimid”.
kii (2) ld kiisa².
kii (3) Qodob magac lab dib looga qodbo, kaasoo tilmaamaya waxay hadlaha iyo maqluhu isla ogyihiin. Tus. “Ninkii baa yimid”
kiil (1) 1. Beeg; miisaan; qiyaas; cabbir. 2. Bilow ciyaareed (turub).
kiil (2) 1. Wax cabbirid, beegid. 2. Ciyaar turub bilaabid.
kiilad ld kiilasho.
kiilan Wax la kiilay ahaansho.
kiilasho eeg kiilo. ld kiilad.
kiilayn eeg kiilee.
kiilee Wax kiilo ku cabbirid.
kiilid kiil².
kiilnaan eeg kiilan. ld kiilnaansho.
kiilnaansho ld kiilnaan.
kiilo (1) Kun garaam culayskood; kiilogaraam.
kiilo (2) 1. Wax cabbirasho; miisaamid. 2. Ciyaar turub bilaabasho.
kiilogaraam ld kiilo.
kiilomitir Fogaan kun mitir dhan.
kiilowaat Kun waad oo ah awoodda korontada ama makaanikada.
kiimika Cilmiga laga barto walxuhu waxa ay ka sameysan yihiin iyo isbeddellada mid kasta ku imanaya nooca uu yahay.
kiin (1) Magacuyaal layeele ee tilmaamaya qofka labaad ee wadarta ah. Tus. “Wuu iga kiin waday”.
kiin (2) ld kiinna².
kiinjo Qasabka alanka ugu hooseeya ee macaan.
kiinna (1) (kuwiinna, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. Tus. “Kiinna warkiisa iskaba daa!”.
kiinna (2) Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. Tus. “Dad badan baa dhagaysta warkiinna”. ld kiin².
kiintaal Boqol kiilogaraam culayskood; jawaan.
kiis (1) 1. Dacwad maxkama-deed. 2. ld xiish. Xereynta geel laga xereeyo dad mag lagu leeyahay.
kiis (2) 1. Wax cidid. 2. Dad mag lagu leeyahay xoolo ka xereyn.
<< < 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 > >>

 

Exit mobile version