Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: waddoohiye
shaarib  Timaha ka baxa bushinta sare ee ragga korkeeda. ld shaarub.
shaariqid  eeg shaaraq².
shaarub  ld shaarib.
shaaruf  Dufta xoolaha.
shaarug  Digir la dubay oo qolofta laga qaaday.
shaash  1. Timo dhaadheer oo ka baxa qoorta libaaxa lab iwm. 2. Masar sida badan xariir ah, midabbo badan leh oo dumarku madaxa ku xirtaan.
shaashee  Ilmo markaa dhashay shaasho gayeeysiin.
shaasheyn  eeg shaashee.
shaashley  1. (u) Haweenka inta la guursadey. 2. S. ah: naag xarrago badan.
shaasho  Cudur ka yimaad nadaafad xumada oo waxyeeleeya carruurta iyo naagaha ummulaha ah.
shaashoo  ld shaa-show.
shaashoobid  eeg shaashow. ld shaa-shood.
shaashood  ld shaashoobid.
shaashow  Wax shaasho ku dhacday noqosho (carruur iyo haween). ld shaashoo.
shaashsaar1  Xaflad la sameeyo toddabaadka arooska dhammaadkiisa oo gabadha, shaash muujinaya inay gabar-nimadii ka baxday loogu saaro. shaashsaar2  Gabar la aroosay markii ugu horreysay shaash u saarid. shaashsaaran  Gabadh la aroosay oo la shaash saaray ahaansho.
shaashsaarid  eeg shaashsaar². ld shaashsaaris.
shaashsaaris  ld shaashsaarid.
shaashsaarnaan  eeg shaashsaaran. ld shaashsaarnaansho.
shaashsaarnaansho  ld shaashsaar-naan.
shaati  ld shaar.
shaaxid  Rooti iwm aad dab loogu bisleeyay.
shaaxidi  Rooti iwm aad dab ugu bisleyn.
shaaxidin  eeg shaaxidi. ld shaaxidis.
shaaxidis  ld shaaxidin.
shaayad  1. Jubbad yar oo aan gacmo lahayn oo shaatiga laga dul qaato. 2. Idaad xoog badan oo doonyaha lagu xiro, laguna dabto kalluunka iyo libaax-badeedka yaryar.
shabaab  S. ah: nin dhallinyaro ah; barbaar.
shabaabnimo  Shabaab ahaansho.
shabaag  Aaladaha kallunka lagu dabto nooc ka mid ah oo ka samaysan xarko dun ah oo laysku saabcaareeyey oo wada ilo ah.
page : 52 of 118
<< < 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 > >>

 

Exit mobile version