Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: waddoohiye
cawarow  Wax il beelay ama nabar ka gaaray noqosho. ld cawirow.
cawaweer1  Nooc ka mid ah libaaxbadeedka. cawaweer2  Waqtiga ay qorraxdu dhacdo oo aan si fiican wax loo arag; himhimow. ld cawaweero. cawaweero  ld cawaweer².
cawbaar  Caw ka baxda geedka baarka.
cawd1  1. Ururinta xoolo badan meel lagu ururiyo. 2. Meel kulul oo dugsi ah oo neecawdu ka xirantahay. cawd2  Xoolo badan meel isugu ururin. cawdan  Wax la cawday ahaansho (xoolo badan).
cawdasho  eeg cawdo.
cawdid  eeg cawd².
cawdnaan  eeg cawdan. ld cawdnaansho.
cawdnaansho  ld cawdnaan.
cawdo  Xoolo badan meel isugu ururid.
cawdu-billaahi  ld acuudu-billaahi.
cawdu-billeysad  ld acuudu-billaysasho.
cawdu-billeysasho  ld acuudu-billaysasho.
cawdu-billeysi  ld acuudu-billeysasho.
cawdu-billeyso  ld acuudu-billeyso.
cawee  Habeenka gelinkiisa hore sheeko, ciyaaro iwm waqti isku dhaafin.
caweeran  Qof aan indhaha si fiican wax uga arag noqosho.
caweermid  eeg caweeran.
caweyn  eeg cawee. ld caweys (3).
caweys  1. Ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo habeenkii lagu so jeedo. 2. (-syo, m.dh) Baar muusiga laga tumo oo habeenkii dhallintu ku soo jeeddo. 3. ld caweyn.
caweysimid  eeg caweysin².
caweysimo  ld caweysin¹.
caweysin1  Habeenka gelinkiisa hore. ld caweysimo. caweysin2  Habeenka gelinkiisa hore soo jeedid. caweysindambe  Xilliga u dhexeeya sagaalka ilaa tobanka fiidnimo.
caweysinhoraad  Xilliga u dhexeeya siddeedda fiidnimo ilaa sagaalka.
cawggiir1  1. Caw rinji la geliyay. 2. C. ka dhig: si xun wax u baabi'in.
page : 55 of 95
<< < 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 > >>

 

Exit mobile version