xulow2 Kulayl lagu socdo kabo la'aan awgeed cago biyo gelid. xulquun ld xurquun.
xuluf Digirta baalkeeda kore.
xulus ld xalus.
xuluul 1. Cawska jiilaalkii xoolaha dhirta hoosteeda looga guro. 2. ld huluul, xaluul. (-llo, m.l./dh) Xuluulasho; dhexgal; huluu-lad.
xuluulad ld xuluulasho.
xuluulasho eeg xuluulo. ld huluulad, huluulasho, xaluulad, xaluulasho, xuluul.
xuluuli Wax xuluul gelin.
xuluulin eeg xuluuli.
xuluulo (xuushay, xuulatay) 1. Meel kayn ah dhexgelid adiga oo is gaabinaya. 2. Irrid gaaban ka hoos dusid. ld huluulo, xaluulo.
xuluushan Wax, wax kale la dhexgeliyey ahaansho.
xuluushanaan eeg xuluushan. ld xuluushanaansho.
xuluushanaansho ld xuluushanaan.
xulxul ld xolxol.
xumaan1 eeg xun. ld xumaansho, xumi. xumaan2 1. Wax wax dhima ama waxyeello leh ama la qoonsado. 2. wax xun ahaansho ama noqosho. xumaansho eeg xumaan.
xumadoon X. ah: qof jecel in arrin laysku haayo xumaani ka dhacdo.
xumaraadis X. ah: qof jecel in xumaani dhacdo.
xumayn eeg xumee. ld xumays¹.
xumays1 ld xumayn. xumays2 1. Cawro; oogada dadka inta la qarsho. 2. Hilbaha inta uurkujirta ah. 3. Xoolaha iyo dadka intooda tabarta yar. xumbayn eeg xumbee.
xumbaysii Ka x.: wax xumbo ka keenid.
xumbaysiin eeg xumbaysii.
xumbee Xumbo yeelasho.
xumbo Xoor; abur.
xumbuse Nooc cawska ka mid ah oo xooluhu daaqaan.
xumee Cid xumo ku samayn.
xumi ld xumaan¹.
page : 55 of 60
<< < 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 >