Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qaqaan
arbushan2  Wax la arbushay ahaansho. arbushid  eeg arbush². ld arbush¹ (2), arbushaad.
arbushmid  eeg arbushan¹.
arbushnaan  eeg arbushan². ld arbushnaansho.
arbushnaansho  ld arbushnaan.
ardaa  Duggaal kor ka furan, ood ka samaysan, aqallada hortooda laga dhiso oo habeenkii lagu caweeyo ama la seexdo.
ardaadhig1  ld ardaaggal¹. ardaadhig2  ld ardaaggal². ardaadhigid  ld ardaaggelid.
ardaaggal1  1. Marti u noqoshada reer gabar laga doonayo. 2. A. ah: nin reer uu gabar ka doonayo darteed marti ugu ah. ld ardaadhig¹. ardaaggal2  U a.: nin reer uu gabar ka doonaayo darteed marti ugu noqosho. ld ardaadhig². ardaaggelid  eeg ardaaggal². ld ardaadhigid.
ardaal  Qof aan ceebta ka xishoon.
ardaalnimo  Ardaal ahaansho.
arday  (arday/ardo, m.dh) 1. Qof tacliin nidaamsan oo sanado go'an iyo heerar kala duwan leh ku hawlan. 2. (dh.) Ilmo duqsi quraan dhigata.
ardayad  1. Gabar tacliin nidaamsan oo sanado go'an iyo heerar kala duwan leh ku hawlan. 2. Gabar dugsi quraan dhigata.
ardiyad  1. Cashuur ay dawladdu ka qaaddo qof leh dhul bannaan ama dhismo. 2. Caddaynta lahaanshaha guryaha;mulkiyad.
ardooyin  Duulal la rumaysan yahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo udug iyo raashin; fiqiburaale; wadaaddo.
areebo  Naag karti xun oo aan nadiifin karin jirkeeda, gurigeeda iwm; basari; baali; arraajo.
areerin  A. ah: hilib jiir ah oo daliigo dhaadheer oo dhuudhuuban laga dhigay.
argag1  ld irkig¹. argag2  ld irkig². argaggax1  1. Naxdin iyo cabsi weyn o qofka degganaanta ka lumisa. 2. ld argaggixid. argaggax2  Naxdin iyo cabsi weyn oo qofka degganaanta ka lumiya la kulmid (qof). argaggaxsan  Wax argaggaxay ahaansho (qof).
argaggaxsanaan  eeg argaggaxsan. ld argaggaxsanaansho.
argaggaxsanaansho  ld argaggaxsanaan.
argaggixi  Qof argaggax ku ridid.
argaggixid  eeg argaggax². ld argaggax¹ (2).
argaggixin  eeg argaggixi. ld argaggixis.
page : 56 of 75
<< < 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 > >>

 

Exit mobile version