Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: waddoohiye
shalawtirid  eeg shalawtir².
shalax  Koor weyn.
shalay  Maanta maalintii ka horrey-say. ld shalayto.
shalayto  ld shalay.
shalfad  Cad yar oo maro ah.
shalfo  Nabar ku samaysma tagoogta geela afkeeda kore marka shafku xoqo.
shalgad  Dhillo.
shallaa  Wax tegey ka qoomamayn.
shallaayid  eeg shallaa.
shallay  Qoomamaynta laga qoomameeyo dhacdo hore. ld shallayto.
shallayto  ld shallay.
shalmaan  Qoryo heeraabka afka ku wada haya oo doonyaha feero u ah.
shalmad  1. Calaamad madow oo candhada idaha ku taal. 2. Gar-basaar yar oo gabdhuhu luqunta saartaan. 3. Maro yar, bul jilicsan leh oo kooraha fardaha la dul saaro. 4. Qalab yar oo qof socod ku jira uu qaato.
shalwasho  eeg shalwo.
shalwi  Wax meel hoos u dheer oo ciriiri ah ku ridid.
shalwin  eeg shalwi.
shalwo  Ku sh.: meel hoos u dheer oo ciriiri ah ku dhicid.
shamac  1. Xanjo shinnidu samaysato oo malabka ku kaydsato. 2. Ul dhuuban oo xayr ka samaysan oo inta dhexda dun ama wax u eg laga geliyo la daaro ama shidma. ld shimic, shumac.
shamal  Nooc cayaaraha shacbiga ka mid ah oo jiib, jaan iyo sacab lagu dheelo.
shambi  Curri.
shambisgeys  Geedgaab aan qodax lahayn oo daawo laga sameeyo.
shamiintayn  eeg shamniitee.
shamiintee  Wax shamiinto marin.
shamiinto1  Budo marka lagu qaso ciid, nuurad iwm dhagxanta, bulukeetiyada iwm ee wax lagu dhisayo la iskula qabto. shamiinto2  (jool.) Iskujir budaysan oo ka kooban silikeytyada iyo luumineytyada kaalsiyam, kaas oo ka samaysmay didib (CaCO3) iyo dhoobo la isku kululeeyey ka dibna la ridkay. Marka lagu qaso biyaha, waxa dhaca falgallo; kuwaas oo sameeya adke adag oo alluumiinno silikeyt ah. shammaal  Dabayl xilliga xagaaga ah woqooyi ka timaadda.
shammir  Meel cammirid (dad).
shammirid  eeg shammir.
shamrad  Qolalka guriga kan sariirtu taal oo la seexdo.
shamuum  Ku sh.: nafley badan meel isugu ururid.
page : 57 of 118
<< < 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 > >>

 

Exit mobile version