arrumo Neef geel ah oo taagan fariisisasho.
arrun (1) Fariisisinta neef geel ah oo taagan la fariisiyo. ld arrumid.
arrun (2) Neef geel ah oo taagan fariisin.
arrunnaan ld arrumnaan.
arrunnansho ld arrumnaan.
arruug Ubad labaraafle oo lix bilood jira.
arruugnimo Arruug ahaansho.
arsaaq (1) ld irsaaq¹.
arsaaq (2) ld irsaaq².
arsaaqad ld irsaaqad.
artaraboodha (baay.) Faylam ka tirsan xayawaanka laf dhabarla'da oo ka kooban in ka badan hal milyan oo sinji. Waa faylamka ugu ballaadhan ee boqortooyada xayawaanka. Artaraboodhuhu waxay ku noolyihiin biyaha macaan, badaha iyo dhulalka kala duwan. Astaan ahaan artaraboodhuhu waxay leeyihiin dub sare oo loo yaqaanno toxob, kaas oo dabool adag u ah qalfoof duleedka. Koritaankooduna waxa uu suurtaggal yahay oo keliya xilliga xuub siibashada.
aruundi Geed nagaar leh qodax, caleen yaryar iyo miro casuura ah oo anqaasta laga samaysto.
aruur (1) Caano a. ah: caano yar oo dhigaal ah oo hadba in lagu daro si ay u bataan.
aruur (2) 1. Wax kala firirsan meel isugu tegid. ld urur³, uruur.
aruuri 1. Wax kala firirsan meel isugu geyn. 2. Ku a.: wax, wax kale ee ugu geli karo ku libdhin. ld ururi, uruuri.
aruurid eeg aruur. ld ururid, uruurid.
aruurin (1) eeg aruuri. ld aruuris, ururi, uruuri.
aruurin (2) Maanso, shekooyin dhaqan, taariikh nololeed iwm oo dad kala duwan laga soo xigtay oo meel ku wada qoran.
aruuris ld aruurin.
aruursan 1. Wax kala firirsanaa oo meel isugu yimid ahaansho. 2. Ku a.: wax, wax kale ee uu geli karo ku libirsan ahaansho. ld urursan.
aruursanaan eeg aruursan. ld aruursanaansho, urursanaan, urursanaansho, uruursa.
aruursanaansho ld aruursanaan.
aruursasho eeg aruurso. ld urursasho, uruursasho.
aruurso 1. Wax kala firisan meel isugu geysasho. 2. Wax meel yaal wada qaadasho. ld ururso, uruurso.
arwaax (1) Farax.
arwaax (2) Ruux.
arwaax (3) Farax dareemid.
arwaaxi Cid ka farxin.
arwaaxid eeg arwaax³.
arwaaxin eeg arwaaxi.
<< < 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 > >>