hilid eeg hil².
hilif 1. Cad yar oo maro, derin, raar iwm oo duug ah. 2. Ruux bar yar.
hilin Waddo ay samaysay cagta dadka ama xoolaha.
hillaab ld hullaabid.
hillaabad ld hullaabasho.
hillaabasho ld hullaabasho.
hillaabid ld hullaabid.
hillaabo ld hullaabo.
hillaac1 Iftiin xoog leh oo daruuraha isku dhaca ay bixiyaan waqtiga roobka. hillaac2 Daruuro isku dhacay iftiin bixin. hillaacid eeg hillaac².
hillow ld hullow.
hilmaamid ld halmaamid.
hilmaan1 ld halmaamid. hilmaan2 ld halmaan². hilmaansii ld halmaansii.
hilmaansiin ld halmaansiin.
hilnaan eeg hilan. ld hilnaansho.
hilnaansho ld hilnaan.
hilo1 Webiga meelaha xooluhu biyaha ka cabbaan. hilo2 3 (-ishay, -ilatay) 1. (f.g) Weel afkiisa xarig ku dhuujisasho si aan wax uga daadan. 2. (f.mg) Ku h.: gaadiid xamuul culus saarasho. hiloobid eeg hilow².
hilow1 Dareen jacayl ku jiro oo qof ama meel loo qabo. hilow2 Xiiso qof ama meel u qabid. hilqad 1. Biro sida faraatiga u galgaloolan oo daahyada iyo qoriga lagu xirayo isku haya. 2. Dhegaha dumarku ay qaataan middood. 3. Fadhi dad badan si wareeg ah u fadhiyaan. 4. Summad xoolaha lagu dhigo.
himahiime ld hiimammow.
himbiriirsad ld himbiriirsasho.
himbiriirsasho eeg himbiriirso. ld himbiriirsad, himbiriirsi.
himbiriirsi ld himbiriirsasho.
himbiriirso Indho biniixin si wax aan si fiican u muuqan loo arko.
page : 61 of 93
<< < 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 > >>