Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qolobdhabasho  eeg qolobdhabo. ld qolobdhabad.
qolobdhabo  Awr qooqan isaga oo madax soo laallaadinaya daamankana isla dhacaya ordid.
qolof  1. Dubka sare ee geedaha. 2. Jilif xalleef ahoo ay nabarradu yeeshaan siiba marka ay biskoonayaan. 3. Dubka sare ee xammaaratada iyo mallayga.
qolofaysasho  ld qolfaysasho.
qolofayso  ld qolfayso.
qolofdhacsad  ld qolofdhacsasho.
qolofdhacsasho  eeg qolofdhacso. ld qolofdhacsad, qolofdhacsi.
qolofdhacsi  ld qolofdhacsasho.
qolofdhacso  1. Xamaarato, mallay iwm xuub siibasho. 2. Nabar qolof ka dhicid.
qolofqab  Beejoqab; buryaqab.
qoloqolee  Dad meel wada deggan ama wada jooga qabiil qabiil u kala saarid.
qoloqoleyn  eeg qoloqolee. ld qoloqoleys.
qoloqoleys  ld qoloqoleyn.
qoloqolo  Kala bixidda ay ummad meel wada deggan qabiil qabiil u sii kala baxdo.
qolqol1  1. Maro lagu kala qoqobo aqal gudahiisa; daah. 2. Aqal la kala qoqobay intiisa qarsoon. 3. Maqaar weyn oo tolan oo hilibka iwm lagu qaato; xashin. 4. Dillaacinta nirgo naaska hooyadood laga goynayo carrabka laga dillaaciyo. 5. Oodda sarsarka kore iyo xerada xoolaha meel u dhexeysa oo awrtu fariisato. qolqol2  1. Aqal kala qoqobid. 2. Nirig carrab ka jeexid. qolqolan  Nirig naaska laga goynayo wax carrabka laga dalooliyay ahaansho.
qolqolid  eeg qolqol².
qolti  Hal caano badan leh (geel).
qombob1  Isku rooridda uu isku soo rooro wx kala baxsanaa engeg ama kulayl dartii. qombob2  Wax kala baxsanaa isku soo roorid engeg ama kulayl dartii. qombobid  eeg qombob².
qombobsan  Wax qombobay ahaansho.
qombobsanaan  eeg qombobsan. ld qombobsanaansho.
qombobsanaansho  ld qombobsanaan.
qommod  Harag dab lagu dubay si loo cuno. ld qummud.
qommodsad  ld qommodsasho.
qommodsasho  eeg qommodso. ld qommodsad, qommodsi, qummudsad, qummudsasho.
qommodsi  ld qommodsasho.
qommodso  Maqaar qommod ka dhigasho. ld qummudso.
page : 61 of 86
<< < 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 > >>

 

Exit mobile version