Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dabaylwac
dayeysiin  eeg dayeysii.
dayeysnaan  eeg dayeysan. ld dayeysnaansho.
dayeysnaansho  ld dayeysnaan.
dayib  Waa tahay.
dayicid  eeg dayac². ld daayicid, dayacid.
dayid  ld deyid.
daymo  Jeedinta indhaha wax xaggooda loo jeediyo.
daymoo  Wax daymo u yeelasho.
daymood  eeg daymoo.
dayn  ld deyn².
daynaamiko  Qayb ka mid mekaanikada oo la xiriirta xoogagga dooriya ama abuura socodka walxaha. ld dinaamiko.
daynabo  (fiis.) Dhaliye danab oo gaar ahaan loogu talagalay in uu dhaliyo qulqul quman.
dayo1  1. Caleenta quraca, siiba intay weli qoyantahay. 2. ld dawaco. dayo2  1. (f.g) Ka d.: wax meel ka raadsasho. 2. (f.g) Ka d.: wax, wax kale ka dhex xulasho. 3. (f.mg) Ku d.: qof, qof kale wax uu sameeyey ka daba samayn. dayoobid  eeg dayow². ld dayow¹ (2).
dayow1  1. Wareer lala kala garan waayo waqtiga iyo meesha la joogo. 2. ld dayoobid. dayow2  Wareer awgiis, waqti iyo jaho garan waayid. dayr  Afarta xilli ee sannadka u qaybsamo middood, roob leh una dhexeeya diraacda iyo xagaaga.
dayradhaaf  Waqtiga roobka dayrta ahi dhammaado oo dhaxantu bilaabato.
dayrcad  Midab cad oo geelu leeyahay.
dayrdhal  D. ah: neef geel ah oo xilli dayr ah dhalay.
dayri  1. (f.g) Aabbe, ilmo uu ka quustay guriga ka cayrin. 2. (f.g) Nin, xaaskiisa, caruurtiisa iwm dhaqaale darrayn. 3. (f.mg) U d.: cid wax ay doonaysay, iyadoo marmarsiinyo been ah loo sheegayo in aan wax loo heli karayn u sheegid.
dayrin  eeg dayri. ld dayris, dayro (2).
dayris  ld dayrin.
dayro  1. D. ah.: ilmo waalidkiis ka quustay oo guriga laga eryey. 2. ld dayrin.
dayrqin  Neef xilli dayreed rimay.
dayrsad  ld dayrsasho.
dayrsan  Wax la dayriyay ahaansho (ilmo).
dayrsanaan  eeg dayrsan. ld dayrsanaansho.
dayrsanaansho  ld dayrsanaan.
page : 64 of 218
<< < 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 > >>

 

Exit mobile version