Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
hintaaqee  ld hantaaqee.
hintaaqo  ld hantaaqo.
hintaaqoo  ld hantaaqoo.
hintaaqood  ld hantaaqood.
hintifaay  ld hintifay.
hintifay  Nooc dhurwaaga ka mid ah oo gaagaaban, madax buuran oo geela iyo xoolaha kaleba laaya. ld hintifaay.
hiqhiq  Oohin hag-hakasho leh oo hingada u eg; feerafuglo.
hiqhiqlayn  hiqhiqlee. ld hiqlayn, hiqlays.
hiqhiqlee  Oohin hag-hakasho leh oo hingada u eg samayn. ld hiqlee.
hiqlayn  ld hiqhiqlayn.
hiqlays  ld hiqhiqlayn.
hiqlee  ld hiqhiqlee.
hir1  1. Dhaqdhaqaaq biyaha baddu sameeyaan o heerkoodu kor iyo hoos ugu kaco. 2. Muuqaal fog ee caad, bad, buuro iwm ah. 3. Mowjadaha hawada ee baahiya codadka iyo muuqaallada; mowjad. hir2  (fiis.) Labid kaleed ee dhextaal ama dululaati. Marka uu hir socdo, garurka ayaa tamarta meel ka kexeeya, geeyana meel kale. hir3  Nafley bar yar oo buuralayda ku nool (ari). hir4  Meel dheer ka soo muuqasho. hiraab  1. Saacadaha dambe ee habeenka inta aan waagu beryin. 2. Cuntada soonka ee la cuno habeenka saacadihiisa dambe inta aan waagu beryin.
hiraabad  ld hiraabasho.
hiraabasho  eeg hiraabo. ld hiraabad.
hiraabo  Suxuur cunid.
hiraabood  Habeenka qaybtiisa dambe intaysan qorraxdu soo bixin.
hiraaci1  H. ah: biyo, war, weel iwm balli ka buuxsamaya. hiraaci2  1. Biyo fadhiya dhaqdhaqaaq yar samayn. 2. Balli, war, weel iwm biyo ka buuxsamid. ld haraaci². hiraacin  eeg hiraaci². ld haraacin.
hiraahir1  Neeftuur xooluhu sameeyaan marka ay qorrax kulul qabato. ld haraahir¹, haraanhir¹, hiraanhir¹. hiraahir2  Nafley qorrax kulul qabatay neeftuur samayn. ld haraahir², haraanhir², hiraanhir². hiraahirid  eeg hiraahir². ld haraahirid, haraanhirid, hiraanhirid.
hiraahirsan  Wax hiraanhir hayo ahaansho (nafley). ld haraahirsan, haraanhirsan, hiraan-hirsan.
hiraahirsanaan  eeg hiraahirsan. ld haraahirsanaan, haraahirsanaansho, haraanhirsanaan.
hiraahirsanaansho  ld hiraahirsan-aan.
page : 65 of 93
<< < 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 > >>

 

Exit mobile version