masrax 1. Gole lagu bandhigo riwaayadaha, filimmada iwm. 2. (riw.) M. geeraar: m. jilayaashiisu ay u hadlayaan qaab maanso.
masrixiyad (riw.) Sheeko murti iyo maaweelo leh oo lagu bandhigo masrax; riwaayad, maadeys.
masruuf (1) Lacag, cunto iwm oo si joogto ah loo siiyo qoys, qof iwm. ld masaariif.
masruuf (2) Lacag, cunto iwm si joogto ah qoys qof, iwm u siin.
masruufasho eeg masruufo.
masruufid eeg masruuf².
masruufo Lacag, cunto iwm si joogto ah u cunid.
mastarad ld masdarad.
mastaro ld masdarad.
mastuurasho eeg mastuuro.
mastuuro Si xishood iyo edeb leh u dhaqmid.
masuubo ld musiibo.
masuug (1) 1. Bakhaylidda wax lagu bakhaylo. 2. M. ah: qof bakhayl ah.
masuug (2) Wax ku bakhaylid.
masuugad Haweeney bakhaylad ah.
masuugid eeg masuug².
masuugnimo Bakhaylnimo.
masuugsan 1. Wax, wax saluugsan ahaansho. 2. Wax, wax dhaliishan ahaansho.
masuugsanaan eeg masuugsan. ld masuugsanaansho.
masuugsanaansho ld masuugsanaan.
masuul ld mas'uul.
masuuliyad ld mas'uuliyad.
masuuliyo ld mas'uuliyad.
mataal ld misaal.
mataan (1) 1. Labo ilmood oo hooyo isla mar dhashay midkooda labka ah. 2. Labo waxyaalood oo laysugu magac daro.
mataan (2) 1. Labo ilmo oo hooyo isla mar dhashay midkooda dheddigga. 2. Laba waxyaalood oo laysugu magacdaro ama la israaciyo. 3. Ceel af dhuuban, biyo badan oo ceelal kale ku dhow.
mataanayn eeg mataanee.
mataanee 1. Mataano dhalid (nafley). 2. Labo walxood hal magac ka dhexaysiin.
mataansan 1. Ku m. wax, wax kale mataan la ah ahaansho. 2. Wax, wax kale lagu biiriyey ahaansho.
mataansanaan eeg mataansan. ld mataansanaansho.
<< < 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 > >>