Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: cawirow
histooloji (baay.) Barashada nudaha noolayaasha iyada oo la adeegsanayo weyneyso.
hitayn eeg hitee.
hitee 1. Cid ka aargudasho. 2. Qof ceeb ka rogid.
hiti Dhuti. ld heeti (2).
hitin eeg hiti. ld heetin, heetis.
hitiq Qof si tabar yari ku jirto u socosho.
hitiqi Nafley hitiq u socodsiin; luudin.
hitiqid eeg hitiq.
hitiqin eeg hitiqi. ld hitiqis.
hitiqis ld hitiqin.
hito 1. Gudashada cid eed gashay laga guto. 2. Rogidda ceeb la iska rogo.
hitrosaygas (baay.) Marka la sharxayo noole labo aliil oo kala duwan leh, kaas oo xukuma muuqaal gaar ah. Xaaladda muuqaalka nooluhu soo saaray waxay noqonaysaa mid ku xidhan aliilka shiiqiyaha ah.
hiwaawir (1) Shuruf.
hiwaawir (2) Urid.
hiwaawirid eeg hiwaawir².
hiwaayad Xiisaynta wax si gaar ah loo xiiseeyo.
hiyi Laab; kal; qalbi; niyad.
hiyikac (1) Welwel iyo degganaan la'aan ku dhasha qof niyadda laga rabo awgeed. ld hawakac¹, niyadkac¹, niyakac¹.
hiyikac (2) Welwel iyo degganaan la'aan dareemid, wax niyadda laga rabo awgeed. ld hawakac², niyadkac², niyakac².
hiyikicid eeg hiyikac². ld hawakicid, niyadkicid, niyakicid.
hiyil Duud dhagax ah, is haysta oo ku dhereran xeebaha.
hiyiwaale 1. Kasha waxyaalo saldhig iyo xasilloonaan u diida, ku soo rida; hiyiga waala oo kiciya. 2. ld hirimmaale.
hobay 1. Dhul boor ah oo ay ku badantahay sarmaanta iyo qansaxa. 2. H. ah: meel cidla ciirsila'ah.
hobbobboro Jaadadka neberiga mid ka mid ah oo yar oo caano leh; waxay leedahay gafuur afka shinbiraha u qaab eg oo qalka kore keliya ilko ku leh, hilibkana waa ay cuntaa. ld hoonbaro.
hobol ld hoobal.
hobshee Si xarrago leh u luga baxsasho.
hobsheyn eeg hobshee.
hod (1) Meel taag hoostiis ah, godan oo biyo fariisin leh.
hod (2) Qof dagid; khatalid.
hodan (1) H. ah: qof hanti badan leh. ld hodon.
<< < 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 > >>

 

Exit mobile version