qooro2 Cid dhanka hore uga imaan. qoorqab Neef lab oo aan xiniinyaha laga bixin.
qoorsasho eeg qoorso. ld qoorsi.
qoorsi ld qoorsasho.
qoorso Ka q.: neef qoor ah cid ka amaahasho.
qoortool Nafley lab oo hal xiniin ah (muqaal ahaan); raaytool.
qoorxayd Neef ido ah oo qadaad cad.
qoorxayo Neef ido ah oo qadaad cad.
qoorxir 1. Maro xariir ah, xalleefsan oo si gaar ah u tolan oo shaarka luquntiisa lagu xirto. 2. Suun dumaysan oo heensaha ka mid ah.
qooryalo Neef geel ah oo aan koori lahayn.
qooryoomid eeg qooryoon².
qooryoon1 1. Harrad. 2. Dayow; wareer. qooryoon2 1. Harradsan. 2. Dayowsan; wareersan. qooryoon3 Oon daran. qooryoon4 Oon aad u daran dareemid. qoosh1 1. Budo badan oo hoore yar lagu qasay. 2. Cajiin. Waxyaabo badan, kala duwan oo la isku daray. qoosh2 1. Budo hoore yar ku qasid. 2. Cajiin sameyn. 3. Isku q.: waxyaabo badan oo kala duwan iskuqasid. qooshan Wax, wax kale lagu qooshay ahaansho.
qooshid eeg qoosh².
qooshnaan eeg qooshan. ld qooshnaansho.
qooshnaansho ld qooshnaan.
qoosiherin Ninka horjoogaha u ah herinta.
qoox 1. Ul, qaanso iwm qalloocin. 2. Is q.: qof xarrago isla godid.
qooxan Qof wax is qooxay ahaansho.
qooxid eeg qoox.
qooxnaan eeg qooxan. ld qooxnaansho.
qooxnaansho ld qooxnaan.
qooy ld qoo.
qoqob1 1. (xis.) Qayb ka mid ah xarriiq ama xood oo u dhexeeya laba barood oo ku yaalla xarriiqda ama xoodka. 2. (xis.) Gobol u dhexeeya boqonka goobo iyo qaansada ku aaddan ee gooya boqonka. Tusaale ahaan, bedka u dhexeeya boqon goobo iyo qaansada ku aaddan waa qoqobka goobada. qoqob2 1. Dhis, raro, ood iwm oo lagu kala qaybsho guri, xero iwm. 2. Dhul yar oo hareeraha ka xaydaaman. 3. Karantiil.
page : 67 of 86
<< < 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 > >>