deegaamee ld degaamee.
deegaameyn ld degaameyn.
deegaami ld degaamee.
deegaamin ld degaameyn.
deegaan1 1. Geed weyn canjeelka u eg, sida badan webiga jiinkiisa ka baxa oo leh miro la cuno. 2. ld degaan. deegaan2 Doog meel roob badan ku da'ay ka baxa. deegaanraac Naqraac.
deegad Bersad.
deegid eeg deeg³. ld deeg¹ (2).
deel 1. Astaan xoolaha lagu sunto oo u eg deelka xuruufta carabiga. 2. ld d (da').
deelqaaf1 1. Ka leexashada qaafiyad maanso ku socotay laga leexdo. 2. D. ah: Hadal meesha laga sheegayo aan ku habboonayn ama gef ah. 3. Labo waxyaalood oo aan isu dhoweyn isu keenid. deelqaaf2 Ku d.: hadal meel ka dhac ah, aan daw lahayn qof ku dhihid. deelqaafi Ka d.: maanso qaafiyaddeeda gefid.
deelqaafid eeg deelqaaf².
deelqaafin eeg deelqaafi.
deelraac Neef ido ah oo madaxa ilaa legga ka madow.
deen D. ah: ceel ama daaqsin aan dad badan joogin.
deensasho eeg deenso.
deenso 1. Ku d.: wax nacfi leh ku keliyeysasho. 2. Ku d.: laba qof ama ka badan, hawl ay qaban lahaayeen sheeko ku illaawid.
deeq1 Hanti aan deyn ahayn oo cid u baahan la siiyo. deeq2 1. Hanti aan deyn ahayn cid u baahan siin. 2. Wax, wax kale oo loogu talaggalay ku filnaansho. deeqdaran Qof gacan adag oo aan wax bixin ahaansho.
deeqdarnaan eeg deeqdaran. ld deeqdarnaansho, deeqdarno.
deeqdarnaansho ld deeqdarnaan.
deeqdarno ld deeqdaarnaan.
deeqe (kiim.) Atamka, ayoonka ama molikuyuulka bixiya lammaane elektaroon marka dabar elektaroon-wadaag ahi samaysmayo.
deeqid eeg deeq².
deeqlay Nooc geedaha ka mid ah oo aan qodax lahayn oo dhacaan guduudan leh. ld deeqle (2).
deeqle 1. Alle magacyadiis mid ka mid ah. 2. ld deeqlay.
deeqsi D. ah: qof naxariis badan oo waxa uu haysto wax ka bixiya.
page : 68 of 218
<< < 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 > >>