furaadsasho eeg furaadso. ld furaadsad, furaadsi.
furaadsi ld furaadsasho.
furaadso Carruur furaad ku xambaarasho.
furaash ld firaash¹.
furaley Sarrifka rubaabka mid ka mid ah oo u dhigma 10 senti.
furan1 Wax la furay noqosho. furan2 1. Albaab, dariishad iwm wax la ballaqay ahaansho. 2. Wax guntintiisa la kala furay ahaansho (xarig). 3. Wax meel ku xirnaa wax la sii daayey ahaansho. 4. Halxiraale wax, la fasiray ahaansho. 5. Haweeney wax la dalaaqay ahaansho. 6. Awr wax rarkii laga dhigay ahaansho. 7. Mashruuc, dhisme, barnaamij iwm hawshooda wax la billaabay ahaansho. furasho eeg furo.
furayn eeg furee.
furaysasho eeg furayso.
furayso Wax fur ku xirasho.
furdaami 1. Cid sixir ka daaweyn. 2. Arrin iwm xal u raadin.
furdaamin eeg furdaami. ld furdaamis.
furdaamis ld furdaamin.
furdad ld furdo.
furdo 1. Meel xeeb ku taal oo loogu talagalay in ay doonyaha, maraakiibta iwm ku xirtaan. 2. Meel loogu talagalay in alaabada ganacsiga oo dal imaanaysa ama ka baxaysa lagu canshuuro. ld furdad.
fure 1. Qalab bir ah oo qaabab iyo weynaan kala duwan leh oo lagu furo ama lagu xiro qufullada iwm. 2. Xal. 3. Calaamad loo adeegsado tusmada maababka.
furee Wax fure ku xirid.
furfur1 F. ah: soor gallay oo maraq lagu kariyay oo aan budo lagu darin si ayna isku dhegin. furfur2 1. Wax xubnihii uu ka koobnaa kala bixbixin. 2. Arrin xalkeeda fududayn. furfurad ld furfurasho.
furfuran1 1. Wax bashaashnimo ka muqaato ahaansho (qof). 2. Wax xubnihii uu isugu jirey la kala bixiyey ahaansho. 3. Tolmo wax duntii isu haysey furatay ahaansho. furfurasho eeg furfuro. ld furfurad.
furfurdayn eeg furfurdee.
furfurdee Qori, ul, dhagax iwm xoog u tuurid.
furfurdo Tuuryo xoog leh.
furfurid eeg furfur². furfurista-garaafeed ee isle'eg m.dh (xis.) Hab lagu furfuro isle'egyo wadajira iyada oo la sawirayo garaafka isle'eg kasta. Furfurista labada isle'eg waxa ku siiya kulannada baraha is goyska, madaama barahani ay raali geliyaan qiimeyaal isku mid ah ee x iyo y.
furfurnaan eeg furfuran². ld furfurnaansho.
furfurnaansho ld furfurnaan.
furfuro 1. (f.g) Wax xubnihii uu ka koobnaa u kala baxsasho. 2. (f.mg) Tolmo duntii isu haysay ka furasho. 3. (f.mg) Wax xubnihii uu isugu jirey u kala bixid.
page : 69 of 73
<< < 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 >