fure
(m.l) (-rayaal, m.l/dh)1. Qalab bir ah oo qaabab iyo weynaan kala duwan leh oo lagu furo ama lagu xiro qufullada iwm. 2. Xal. 3. Calaamad loo adeegsado tusmada maababka.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fure ↴
xabaalfure [m.l]
Dugaagga intooda xabaalaha qodda oo meydka la soo baxa.
farac [m.l] (-cyo, m.dh)
(nax.) Habdhac uu erey uga soo farcamo mid kale. Tus. “fur + e -> fure”.
furayn [m.f.dh]
eeg furee.
furee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Wax fure ku xirid.
kulaalaha-koonfureed [m.l]
(juqr.) Barbar la-ahe lool, qiyaas ahaan 23° k, oo muujinaya dacalka ugu koonfureeya ee qorraxdu toos isu dul taagto duhurka.
rogan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gmay, -gantay)
1. Wax dhankii hooseen lahaa sareeyo noqosho. 2. Sidiisii hore wax ka duwan noqosho. 3. Fure hal mar sakatuuro ku wareegid. 4. Reer ama dad tirtirmid. 5. Ka r.: meel biyo ka dulundulcoobid.
siimbaar [m.dh] (-ro, m.l)
(muus.) Qalab muusikada ka mid ah oo la afuufo lehna dhuun dheer oo dhuuban iyo daloollo, fureyaal faraha lagaga cayaaro oo foori jaadad badan leh laga soo saaro oo cayaaraha istunka marka la billaabayo iyo marka la joojinayo la yeeriyo; malkad.