Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: maraqsan
haddid (1) ld haddidid.
haddid (2) Cid cabsi gelin. ld handad².
haddidaad Hadal ama ficil cid lagu cabsi gelinayo. ld haddidid.
haddidid eeg haddid². ld haddid¹, haddidaad, handad¹, handadaad, handadid
haddii 1. Erey lagu xiriiriyo weer shardiley ama waqtiley ah. Tus. “Haddii aad dersiga akhrin lahayd, imtixaanka waad ku gudbi lahayd”, “Haddii Warsame yimaado, farriintayda gaarsii”. 2. H. kale: haddii sidaas aysan noqon.
hadee 1. Qof dhintay quraan u akhrin. 2. Digsi dabool saarid.
hadeec (1) Socod luudid ah oo nafley aad u tamar yari socoto. ld hudeec¹.
hadeec (2) Nafley aad u tamar yar luudid. ld hudeec².
hadeecid eeg hadeec². ld hudeecid.
hadeyn eeg hadee.
hadeysan (1) Digsi wax la daboolay noqosho.
hadeysan (2) Wax la daboolay ahaansho.
hadeysmid eeg hadeysan¹.
hadeysnaan eeg hadeysan². ld hadeysnaansho.
hadeysnaansho ld hadeysnaan.
hadfid eeg hadaf³. ld hadaf¹.
hadhaaseera Dumarka xadrada saarka Booranaha ugu sarreeya ama heerka labaad kaga jira.
hadhiin Afarta haad ee turubka mid ka mid ah.
hadhiino 1. Qof dhaxalkii uu lahaa la seejijay. 2. Qof wax qabadkiisu aad u yaryahay.
hadhow Had dhow, goor aan fogeyn oo soo socota. ld hadhowto.
hadhowto ld hadhow.
hadi Geed quwaax xabag udgoon oo laga ganacsado leh.
hadid eeg had³.
hadiid 1. Ku h.: si hunguri weyni ku jirto wax u boobid. 2. Ku h.: si ku celcelis ah qalab aan af lahayn wax ugu goyn.
hadiidid eeg hadiid.
hadimee Cid hadimo gaarsiin.
hadimeyn eeg hadimee.
hadimo Dhibaato weyn oo khiyaamo ku jirto.
hadiyad Hanti yar oo cid la sharfayo loo geeyo; deeq.
hadiyee Qof dhintay quraan u akhrin.
<< < 684 685 686 687 688 689 690 691 692 693 694 > >>

 

Exit mobile version