degalbaaris (taar.) Barashada taariikheed iyo dhaqan ee mujtamacyadii hore, adigoo eegaya dhismooyinkii ay ka tageen, xabaalihii, qalabkoodii iwm.
degasho eeg dego. ld degad.
degdeg1 1. Dhaqsiyaha wax lagu qabto. 2. D. ah: wax si kedis ah u yimaada. ld deddeg¹, deddegsiinyo, degdegsiinyo. degdeg2 Si dhaqsiya ah wax u qabasho. ld deddeg². degdegid eeg degdeg². ld deddegid.
degdegsan Wax degdegaaya ahaansho. ld deddegsan.
degdegsanaan eeg degdegsan. ld deddegsanaan, deddegsanaansho, dedgegsanaansho.
degdegsanaansho ld degdegsanaan.
degdegsiinyo ld degdeg¹.
degdeji Wax si dhaqso ah u samayn. ld deddeji.
degdejin eeg degdeji. ld deddejin, deddejis, degdejis.
degdejis ld degdejin.
degeb ld dogob.
degel 1. Saalada xerada ariga ama lo'da ku kabbisanta. 2. Meel muddo badan la degganaa.
degeltir Wax ciribtirid.
degeltirid eeg degeltir.
deggan 1. (f.g) Wax meel rug ka dhigtay ahaansho (cid). 2. (f.mg) Wax xasillan ahaansho. 3. (f.mg) Wax kudid raba ahaansho (sac).
degganaan eeg deggan. ld degganaansho.
degganaansho eeg degganow. ld degganaan.
degganow Wax meel rug ka dhigtay noqosho (cid).
degid eeg deg². ld degis, degitaan.
degis ld degid.
degitaan 1. Rug ka dhigashada meel rug laga dhigto. 2. Fariisashada wax duulayey fariisto. 3. Shiididda biyo hoos loo shiido. 4. Hoos u dhicidda dhul, webi iwm hoos heerkoodii uga dhacaan. 5. Kala miirmidda wax qasnaa kala miirmaan. ld degid.
degmo 1. Beel. 2. Qaybaha gobod u qaybsamo middood. 3. ld degsiimo. Meel la degganyahay.
dego 1. Shax, turub, iwm bad dhigasho. 2. Ku d.: cid marti u noqosho. ld deg² (3,9)
degsaar D. ah: wax garabka lagu qaadi karo.
degsan 1. Xamuul wax dhulka la dhigay ahaansho. 2. Qorshe, nidaam iwm wax la dhammaystiray ahaansho.
degsanaan eeg degsan. ld degsanaansho.
degsanaansho ld degsanaan.
degsasho eeg degso.
page : 70 of 218
<< < 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 > >>