degel
(m.l) (-llo, m.dh)

1. Saalada xerada ariga ama lo'da ku kabbisanta. 2. Meel muddo badan la degganaa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh degel

carraggoys [m.l]
1. C. ah: roob xoog badan oo dhulka bohola ka jeexa. 2. Xaro cusub aan degel hore ahayn. 3. ld carraggoyn.

cayalo'aad [m.l]
Nagaar dhulka ku faafa caleemo biyo ka buuxaan iyo laamo jilicsan leh oo ka baxa meesha degelka leh.

degeltir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Wax ciribtirid.

degeltirid [m.f.dh]
eeg degeltir.

doomaar [m.dh]
1. Naq cayada la bah ah oo degellada ka baxa. 2. Cayo.

jabo [m.dh]
1. Xaabo amo qoryo yaryar oo qallalan. 2. Berrin waa hore laga guurey oo ooddii jabtay oo isku dhacday; jabad; degel.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg