hafeef 1. Dabayl kulul. 2. Kulaylka gubashada jirka laga dareemo.
hafeefasho eeg hafeefo.
hafeefo Jir gubtey xanuun ka dareemid.
hafi 1. Nafley si uu u harqado biyo quusin. 2. Hilib dab ku yacyacoodin.
hafid eeg haf².
hafid (2) eeg haf.
hafin eeg hafi. ld hafis.
hafis ld hafin.
hafisan Hilib wax karin carunka looga saaray ahaansho.
hafisnaan eeg hafisan. ld hafisnaansho.
hafisnaansho ld hafisnaan.
hafo Nafley biyo ku qaraqmid.
hafran Qof wax aan la siinin lagu masabiday ahaansho.
hafranaan eeg hafran. ld hafranaansho.
hafranaansho ld hafranaan.
hafrid eeg hafar². ld hafaryo, hafriin, hafriinyo.
hafriin ld hafrid.
hafriinyo ld hafrid.
haftabbax (1) ld haftibbax¹.
haftabbax (2) ld haftibbax².
haftabixid ld haftibbixid.
haftayn Eeg haftee. ld hafteys.
haftee Nafley aad u cayrin si ay u xiiqdo.
hafteys ld haftayn.
haftibbax (1) Xiiqid la'aanta nafleydu gaarto markay muddo oroddo kaddib. ld haftabbax¹.
haftibbax (2) Nafley heer aanay xiiqayn gaarid, markay muddo orodday kaddib. ld haftabbax².
haftibixid eeg haftibbax². ld haftabbixid.
hafto Daal aan lala ordi karin, markay nafley muddo orodo kaddib; neeftuur.
haftoo Xiiqid ama xuurto dareemid.
haftood eeg haftoo.
<< < 686 687 688 689 690 691 692 693 694 695 696 > >>