Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: tuux
hag Cod lagu isticmaalo in dameer socodsiiyo; yalla.
hag (1) Qof indho la'hoggaamin.
hagaag (1) 1. Oogada dadka inteeda hore; soojeed. 2. H. ah: toos; wanaag; sax. 3. ld hagaagid.
hagaag (2) 1. Wax sidii laga rabay noqosho. 2. Ka h.: wax ama meel ka tegid. 3. Ku h.: wax, ama meel si toos ah u abbaarid.
hagaagid eeg hagaag². ld hagaag¹ (3).
hagaagsan 1. Wax wanaagsan ama toosan ahaansho. 2. Ku h.: Wax, wax ku habboon ahaansho.
hagaagsanaan eeg hagaagsan. ld hagaagsanaansho.
hagaagsanaansho ld hagaagsanaan.
hagaagsasho eeg hagaagso.
hagaagso Wax si toosan ama wanaagsan ka dhigasho.
hagaaji 1. (f.g) Wax toosin ama wanaajin. 2. (f.mg) Ku h.: wax meel uu u socdo ku toosin. 3. (f.mg) Ku h.: warqad, farriin, alaab iwm cidda ay u socoto meesha laga heli karo u dirid.
hagaajin eeg hagaaji. ld hagaajis.
hagaajis ld hagaajin.
hagaas (1) 1. H. ah: xumaanshaha korriimada hore ee ubadka nafleyda. 2. ld hagaasid.
hagaas (2) Nafley aan korriimo fiican helin noqosho.
hagaasi Nafley korriimo xumo dhaxalsiin.
hagaasid eeg hagaas². ld hagaas¹ (2).
hagaasin eeg hagaasi.
hagabsad ld hagabsasho.
hagabsasho eeg hagabso. ld hagabsad, hagabsi, hakabsad, hakab-sasho, hakabsi.
hagabsi ld hagabsasho.
hagabso 1. Aragti yari awgeed tartiib u socosho. 2. Wax aan la garanayn ka hadlid. ld hakabso.
hagag (1) Inkiridda laysku inkiro wax laysku ogaa.
hagag (2) Wax laysku ogaa inkirid.
hagagid eeg hagag².
hagan Wax la hagay ahaansho (awr).
hagar Isku ladidda hawl ama arrin wax ka qabashadeeda la isku lado; xoogdhabiil; dhagar.
hagarbax (1) 1. Si aan hagari ku jirin oo wax loo qabto. 2. ld hagarbixid.
hagarbax (2) Si aan hagari ku jirin oo wax loo qabto.
hagarbey Hanti la siiyo cid wax dhexdhexaadisey.
<< < 687 688 689 690 691 692 693 694 695 696 697 > >>

 

Exit mobile version