Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: raysmaggaarto
ergin eeg ergi. ld ergis.
ergis ld ergin.
ergisan Wax la ergey ahaansho.
ergisasho eeg ergiso.
ergisnaan eeg ergisan. ld ergisnaansho.
ergisnaansho ld ergisnaan.
ergiso Xoolo alaab iwm ereg u dhiibasho ama u qaadasho.
ergo (1) 1. eeg ergey. 2. Dhambaal nabad lagu doonayo.
ergo (2) Ereg u qaadasho ama u dhiibasho (wax).
ergoo Ergo aadid.
ergood eeg ergoo.
eri (1) 1. ld ari. 2. Cayrinta la cayriyo xoolo, dad, baabuur iwm.
eri (2) ld eryid.
eri (3) 1. Wax cayrin. 2. Nafley meel ay ku noolayd in ay joogto u diidid. 3. Ku e.: dalool wax ku librin.
eridhaban Hal dhashay oo ilmihii laga reebay. ld eeridhaban.
eriley 1. ld eraley. Naag qaylo badan oo dad la dhaqankeedu xunyahay. 2. Dadka ariga dhaqda.
erilow Nin qaylo badan oo dad la dhaqankiisu xunyahay. ld eralow.
erin ld eryid.
erkeg (1) ld irkig¹.
erkeg (2) ld irkig².
erkegid ld irkigid.
erkegsan ld irkigsan.
erkegsanaan ld irkigsanaan.
erkegsanaansho ld irkigsanaan.
eryad ld eryasho.
eryasho eeg eryo. ld eryad.
eryid eeg eri³. ld eri², erin.
eryo Wax ordayo cayrin.
eryoo Wax ordaya cayrsasho.
eryood eeg eryoo.
<< < 3 4 5 6 7 8 9 > >>

 

Exit mobile version