qaarsanaan eeg qaarsan. ld qaarsanaansho.
qaarsanaansho ld qaarsanaan.
qaarxabaal1 1. (bot.) Geed sida qaraha u faalala oo kor ku yeesha miro waaweyn kuwa bocorta la eg, hoosna ku leh buruq weyn oo inta la jarjaro xoolaha lagu oon baxsho. 2. (daaw.) Xabaalidda qof lafo xanuun qaba qaarka dambe carro kulul loogu duugo si loogu daweeyo. qaarxabaal2 Qof lafo xanuun qaba qaarka dambe carro kukul loogu duugo si loogu daweeyo, xabaalid. qaarxabaalid eeg qaarxabaal².
qaash 1. (-shash, m.l) Jaadadka warmaha dhaadheer nooc ka mid ah. 2. Finan yaryar oo wajiga dadka ka soo yaaca waqtiga kuleelaha. 3. ld haash.
qaashaaran Wax hawl isu diyaarshay ahaansho.
qaashaarasho eeg qaashaaro.
qaashaaro Hawl isu diyaarin.
qaate (kiim.) Atamka ama kooxda atamada ah ee lammaane elektaroonno ah la siiyo marka dabarka elektaroon-deeqe ahi sameysmayo.
qaatil Qof dilaa ah.
qaatime Orod gaar ah oo ay farduhu sameeyaan marka ay durdurinayaan.
qaatimee Faras si qaatimo ah u ordid.
qaatimeyn eeg qaatimee.
qaatin Mugga shey leeyahay.
qaawan 1. Qof aan dhar xirneyn ahaansho. 2. Dhisme, wax aan kor ka deydnayn ahaansho. 3. Hadal aan asturnayn ahaansho.
qaawanaan eeg qaawan. ld qaawanaansho.
qaawanaansho qaawanow. ld qaawanaan.
qaawanow Qof qaawan noqosho.
qaawi 1. Qof dhar ka furid. 2. Dhismo, dedka kore ka qaadid.
qaawin eeg qaawi.
qaawisasho eeg qaawiso.
qaawiso Qof qaawan ka dhigasho.
qaaxayn eeg qaaxee.
qaaxee Nafley qaaxo ku ridid.
qaaxo1 1. Dhiska ka samaysan feeraha iyo lafdhabarta iyo waxa ku guda jira (oogada nafleyda); saab, saabley. 2. Cudur xun oo lays qaadsiiyo oo ku dhaca sida badan sambabada; feero sanbab. qaaxo2 (c.nafl.) Moqor dheecaan ka buuxo kaas oo sameeya moqorka ugu weyn ee xayawaannada lafdhabarleyda ah iyo kuwa lafdhabarla'da ah badankooda. qaaye Qiimo; waxtar.
qaayib1 ld qaayibid. qaayib2 1. Wax la bartay ka caado yeelasho. 2. Wax si aad ah ugu bogid.
page : 8 of 86
<< < 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 > >>