Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: marjiid
tabantaabo ld tabantaabin.
tabar Xoog; itaal. ld tabaro, tamar, tamaro.
tabaraysad ld tabaraysasho.
tabaraysasho eeg tabarayso. ld tabaraysad.
tabarayso Tabar yeelasho.
tabardarrayn eeg tabardarree.
tabardarree Itaal yaro dareemid.
tabargab (1) ld tabargabid.
tabargab (2) Wax tabar beelid.
tabargabid eeg tabargab². ld tabar-gab¹.
tabargal (1) ld tabargelid.
tabargal (2) Qof ciidamin kara noqosho.
tabargelid eeg tabargal². ld tabargal¹.
tabaro ld tabar.
tabarruc (1) Ururin lacag iwm oo cid lagu kaalmaynayo.
tabarruc (2) Ku t: cid wax ku deeqid.
tabarrucid eeg tabarruc².
tabaryar Cid aan tabar lahayn ahaansho.
tabaryaraan eeg tabaryar. ld tabaryaraansho, tabaryari.
tabaryaraansho ld tabaryaraan.
tabaryari ld tabaryaraan.
tabasho eeg tabo.
tabatabbo Weel baaquli u eg oo ka samaysan argeeg, dushana aleel looga sharxay oo subagga, oodkaca iwm lagu shubto.
tabaxsasho eeg tabaxso.
tabaxso Qun yar socosho.
tabayn eeg tabee. ld tabays.
tabays ld tabayn.
tabbac (1) ld tabbicid.
tabbac (2) Ku t.: cid deeq weyn siin.
tabbeello Loox weyn oo qoraallo ama sawirro macno gaar ah samaynaya lagu muujiyo.
<< < 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 > >>

 

Exit mobile version