halow (1) 1. Midab madow oo dabku ku reebo wax gubtey. 2. Kulka ololka dabka ka soo baxa.
halow (2) 1. ld galow. Meesha godan ee ay iska galaan luqunta iyo sakaarka; dhuun, rubad. 2. H. ah: waddo haloosi ah.
halqaad (1) 1. Hog u banneynta shax la degey hog loo baneeyo si loo ciyaaro. 2. ld halqaadid.
halqaad (2) Shax la degey si loo ciyaaro hog u banneyn.
halqaadid eeg halqaad². ld halqaad¹ (2).
halqaban Daboolka birta canjeerada ama laxooxda.
halqabsad ld halqabsasho.
halqabsasho eeg halqabso. ld halqabsad, halqabsi.
halqabsi ld halqabsasho.
halqabso 1. Ku h.: qof in uu hadal guro u adeegsasho. 2. Ku h.: wax, wax kale tilmaan ugu qaadasho.
halqalbac Abuurka miraha qaarkood oo ka kooban hal beer.
halqooq 1. Dabada (qanaanta) fardaha. 2. Wax walba kan ugu wanaagasan oo ugu qurux badan. 3. (u) Kalluunka biyaha iskiis uga soo booda.
halraac (1) Qaadid shax la halqaaday mid u dhow la qaado.
halraac (2) Shax, dhagax la qaaday mid u dhow ka dab qaadid.
halraacid eeg halraac².
halrar Qof ama wax, wax lagu salladay ahaansho.
halrarid eeg halrar.
haltiirle Wax sida dhisme iwm oo hal tiir kaliya leh.
haltoddobaaddo ld haltoddabaadyo.
haltoddobaadyo Cutubyo xiddigo ah oo midkiiba ka koobanyahay toddoba xiddigood oo la kala yiraahdo haltoddobaadyo weyn iyo haltoddobaadyo yar. ld haltoddobaaddo.
halunugle ld halunugley.
halunugley Noole hal unug ka kooban.
halwac Baaq uu ku dhawaaqo ninka halgamaha ahi marka uu ugaar soo dilo.
halwad ld halwasho.
halwasho eeg halwo. ld halwad.
halwi 1. Wax dab ku madoobayn ama ku midabayn. 2. Wax la iibinayo qiimahooda mid ka yar ku gadid. 3. ld qalwi.
halwin 1. ld halwis. eeg halwi. 2. ld qalwin.
halwis Miro qolof ka saarid. ld halwin (1).
halwo Ku h.: Wax, wax ka weyn ku dhex shubmid ama ku dhex dhicid.
halxiraale Su'aal adag oo sarbeeban oo ka jawaabiddeeda laysku xujeeyo.
<< < 697 698 699 700 701 702 703 704 705 706 707 > >>