Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: uugaamin
harammo Caws yaryar oo beeraha ka baxa oo dalagga guba haddii aan laga falin. ld harame.
haran Wax nijaaso leh.
harar (1) ld harrar¹.
harar (2) ld harrar².
harari Nooc jaadka ka mid ah oo Harar ka baxa.
harati ld hardi².
haratin ld hardiyid.
harayn ld harin.
haraysan Meel hoos leh ahaansho.
haraysnaan eeg haraysan. ld haraysnaansho.
haraysnaansho ld haraysnaan.
harbi Wax biyo ku dhex jira horay u riixid.
harbin eeg harbi. ld harbis.
harbis ld harbin.
hardabaa ld haraa.
hardaf (1) 1. Nooc orodka fardaha ka mid ah. 2. ld hardafid.
hardaf (2) Si hardaf ah u ordid.
hardafi Si hardaf ah faras u ordisiin.
hardafid eeg hardaf². ld hardaf¹ (2).
hardafin eeg hardafi.
hardamid eeg hardan². ld hardan¹, hertamid, hertan¹.
hardan (1) Isku dhufashada laba nafley madaxa isku dhuftaan. ld hardamid.
hardan (2) Laba nafley madaxa ku dagaalamid. ld hertan².
hardi (1) Madaxa oo wax lagu dhufto. ld herti¹.
hardi (2) Madaxa ku dagaalamid. ld harati, herti².
hardin ld hardiyid.
hardiyid eeg hardi. ld haratin, hardin, hertin.
haree 1. Wax har u yeelid. 2. Wax iftiin ka qarin.
hareed Timo ka soo baxa labada dhaban ee ragga. ld harreed.
hareef 1. Qof tabar daran. 2. Qof aan muuqaal wanaagsanayn. 3. Wax soo haray. 4. Derin duug ah.
<< < 709 710 711 712 713 714 715 716 717 718 719 > >>

 

Exit mobile version