heedaddaan (1) 1. Socod tartiib ah oo qof wareersani socdo. 2. ld heedaddaamid.
heedaddaan (2) Si wareer ku jiro tartiib ugu socosho.
heedhe ld hee.
heeg Neef lug hore iyo lug dambe iskaga xirid.
heegaheego ld heekaheeko.
heegan (1) 1. Col yar oo col weyn dib u reeba; raacdareeb. 2. Wax diyaar ah. 3. ld heegmid. ld heeggan¹.
heegan (2) 1. Wax heegan ahaansho. 2. Wax diyaar ahaansho.
heegan (3) Wax la heegay ama heegan ahaansho. ld heeggan².
heeggan (1) ld heegan¹.
heeggan (2) ld heegan³.
heegganaan ld heegnaan.
heegganaansho ld heegnaan.
heegid eeg heeg.
heegmid eeg heegan². ld heegan¹.
heegnaan eeg heegan³. ld heegganaan, heegganaansho, heegnaan-sho.
heegnaansho ld heegnaan.
heego Daruurta saymaha da'aya ka korreysa oo aan weli di'in.
heehaab (1) ld heehow¹.
heehaab (2) ld heehow².
heehaabid eeg heehow². ld heehow¹.
heehow (1) Sabbeynta wax fudud biyo dushooda ama hawada dhexdeeda dul sabbeeyaan. ld heehaabid.
heehow (2) Wax fudud biyo, hawo iwm dul sabbayn. ld heehaab².
heekaheeko Wax heegan ah. ld heegaheego.
heel (1) 1. Meel, ood, buuro iwm ay ku wareegsanyihiin. 2. Agagaar.
heel (2) Hoore yar oo weel salkiisa ku haray.
heelad 1. Sabo. 2. Buur dhaadhaceed oo gabbaad laga dhigto. 3. ld heelasho.
heelasho eeg heelo. ld heelad.
heeli Miraha higlaha oo bislaaday.
heellan 1. Qof wax u dhega nugul ahaansho. 2. Qof wax u diyaar ah ahaansho. ld heelloon.
heellanaan eeg heellan. ld heellanaansho, helloonaan, helloonaan-sho.
<< < 723 724 725 726 727 728 729 730 731 732 733 > >>