Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: yeeg-bisaliim
baabbaco 1. (-ooyin, m.l) Calaacal, sacab. 2. ld baabbacayn. Orod gaaban oo geelu labada addin ee hore iyo kuwa dambe midba mar qaado.
baabbah 1. Noqoshada wax uu eber noqdo. 2. Baabbah ah: weel aan waxba ku jirin. 3. Baabbah ah: meel aan waxba oollin.
baabbe eeg Aabbe.
baabbi'i 1. Wax ciribtirid. 2. Raad, calaamad iwm oo meel ku yaal tirtirid. Tus. “Rooble ayaa wixii sabuuradda ku qornaa baabbi'iyay”. 3. Sharci burin. 4. Sharaf awood iwm ee qof leeyahay waxyeeleyn.
baabbi'id eeg baabba'². ld baabba'¹ (3).
baabbi'in eeg baabbi'i. ld baabbi'is.
baabbi'is ld baabbi'in.
baabbul 1. Dhogor cufan, dheer oo ka baxda qaarka hore ee libaaxa; shaash. 2. Timo jilicsan, dheer oo uu raggu la haro.
baabee Weel caanood deebin.
baabeyn eeg baabee.
baabila (baay.) Soobaxyo uu jidhku leeyahay oo u soo baxa dub duleedka lafdhabarleyda, kuwaasi oo kordhiya halka ay iskaga yimaadaan laba nudood.
baabillooma (daaw.) Soobax ku yaalla maqaarka ama xuub malaaska, sida ilmosidaha dhexdiisa.
baabsad ld baabsasho.
baabsasho eeg baabso. ld baabsad, baabsi.
baabsi ld baabsasho.
baabso 1. Dareen iyo feejignaan qof leeyahay soo jiidasho. 2. Qof, hanti uusan lahayn u qiil dayasho.
baabusiir ld bawaasiir.
baabuur Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulkaba qaada.
baabuurraac Lacag yar oo lagu bixiyo in gaadiid lagu raaco.
baac 1. Cabbir dhererka u dhaxeeya labada gacmood marka la kala fidiyo. 2. Gacan la fidiyo iyo xabadka inta u dhexaysa.
baaci 1. (f.g) Wax baac ku cabbirid. 2. (f.g) Wadaan ceel ku jirta ayadoo gacmaha la geynayo madaxa ka kor dawliska jiidid. 3. (f.mg) U b.: gacan, ul iwm ayadoo cid lagu cabsi gelinayo u taagid.
baacin eeg baaci.
baacsad ld baacsasho.
baacsan Wax baac lagu cabbirey ahaansho.
baacsanaan eeg baacsan. ld baacsanaansho.
baacsanaansho ld baacsanaan.
baacsasho eeg baacso. ld baacsad, baacsi.
baacsi ld baacsasho.
baacso Wax cararaya ceyrsasho.
baacug 1. Caloosha dhasha xoolaha aan weli abaabin. 2. Caano la adkeyey oo lagu daray wax dhanaan; farmaajo.
<< < 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 > >>

 

Exit mobile version